|

Ciidammada Soomaaliya oo Burburiyey Xarun Daacish ka furatay Jannaale iyo Ajaanib ay ku laayeen Weerarkaas DAAWO

Jannaale 4.May 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee Kamaandowsta Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay Burburiyeen Xarun Tabobbar oo ay Kooxda Daacish ee isku-magacawday dowladda Islaamka (ISIS) ay ka furatay degmada Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku laayeen 12 Xubnood oo Ajaanib iyo Soomaali isugu jira, kuwo kalena ku qabqabteen.
War Qoraal ah oo kasoo baxay Xalay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana lagu baahiyey Wakaaladda Wararka iyo Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay Weerarkaas ay Ciidanku ku burburiyeen Xarunta ay sheegeen inay Daacish ku lahayd Soomaaliya iyo qaabka uu u dhacay-ba.

XARUNTA-DAACISH-EE-LAGU-BURBURIYEY-SOOMAALIYA-2016“Ciidammada oo ku guda-jira hawlgallada joogtada ah, ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday Mucaskar ay tababbar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kadib markii ay iskacaabin kala hor yimid ciidamada howlgalka sammeynayay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warkaas oo Qurbejoog.com Warbaahinta dowladda Soomaaliya ka soo xigtay.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa Warkan qoraalka ah sidoo kale ku sheegay in gacanta lagu dhigay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Mucaskarka la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo dhaawacyo ka soo gaadhay hawlgalka goobtaas ay Ciidammadu ku qaadeen.

Waxaa uu Taliska Ciidanka Xoogga dalku sidoo kale sheegay, in toddobaadkan la qaaday hawlgallo qorsheysan oo lagu wiiqayo Qorshayaal argaggixiso oo ay diyaarinayeen Kooxda Al-Shabaab.

timthumb (3)Koox Ajaanib iyo Soomaali isugu jira oo Sheegtay inay yihiin Daacishta Soomaaliya, ayaa toddobaadkii hore Gaadiid Kolonyo ah oo ay leeyihiin Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ka jooga Soomaaliya oo Muqdisho marayey inay Qarax Miino ah u dhigeen Jid ay marayeen, inkastoo aanu khasaare geysan, iyadoo Kooxda Daacish-na u dabbaal-degtay inay weerarkoodii ugu horreeyey ka fuliyeen gudaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-Shabaab, ayaa sannadkii hore iyo horraantii sannadkan-ba ku kala qaybsamay inay ku biiraan Daacish ama ISIS, waxaanay Horjoogayaasha Al-Shabaab qaarkood khaarajiyeen Horjoogayaal ku taliyey ama soo jeediyey in Daacish lagu biiriyo Al-Shabaab oo ay ISIS ka mid noqdaan, kuwaasoo isugu jiray Xubno Soomaali ah iyo kuwo ka tirsan Ajaanibka Al-Shabaab ka garab-dagaallama.
Haddaba, Muuqaalka Warka weerarka ay Ciidammada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tabobbaran (Kamaandooska) ay ku qaadeen Xaruntaas Daacish ku tabobbarayeen dadka ay qortaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed