“Gar Baa Loo Yahay Islaam, Sida uu Faysal hadda keligii ugu tagri falayo Xarunta Xisbiguna waxay keeni kartaa xasaasiyad dheeraad ah” Mujaahid Cali Guray
Hargaysa, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa Sheegay in Labadooda Garab ee Khilaafka Xisbiga Ucid u dhexeeya hadii ay ku qanci waayaan Go’aanka Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranku ay Xaq u leedahay inay Racfaan u qaataan Maxkamada Sare oo yeelanaysa go’aanka kama danbaysta ah.
Cali Guray ayaa Qoraal dhinacyo badan taabanaya oo aanu ka soo xiganay barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook ayaa u dhignaa Sidan:- “Ragii hore ayaa odhan jiray waxanay dulucdeedu ahayd GAR EEXO LAMA NAQO iyaga oo iimaansanaa in lagu gubto oy ilaa ubad kaaga ubadkiisa kula socon karto oy cawaaqib xumo dhaxalsiin karto. In kasta oonay cilmi diimeed oo badan lahayn hadana waxay ahaayeen dad iimaan leh oo dee ilaahay baaba ina faray “HADAA XUKUMAYSAAN CADAALAD XUKUMA”
Waxan uga socdaa garta uu Faysal naqsanayaa hadii ay tan tahay ama ha ku gar helo ama ha ku gar waayo eh ha u gudbiyo Gudida Diiwaangelinta oo ah halka anaguna aanu gartayda u dhiibnay. Go’aanka Gudidu dhinaca maaraynta waa Kama dambayn laakiin xagga sharciga labada dhinac kii go’aanka gudida ku qanci waayaaba xaq wuxu u leeyahay in rafcaan uga qaato Maxkamadda Sare oo iyadu go’aankeedu noqonayo kama dambays.
Markaa anigu ma qabo muhiimbna uma arko in marba dhinac shir saxaafadeed warbaahinta la soo fadhiisto. Inta ka horaysa Kalfadhiga Golaha Dhexena waa in go’aanka kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare soo baxaa si Kalfadhiga Golaha Dhexe ugu qabsoomi karo iyada oo arimahii lagu muransanaa go’aanka maxkamadda sare la waafajiyay.
Sida uu Faysal hadda keligii ugu tagri falayo Xarunta Xisbiguna waxay keeni kartaa xasaasiyad dheeraad ah iyo in gudihiisa la isku dhex qabsado ilaa ay gaadhi karto in xaalad nebadgelyo awgeed gebi ahaanba Xafiiska Xarunta loo xidho inta go’aan xal ah la helayo. In kasta oo anigu aan gebi ahaanba joojiyay in aan hawlmaalmeed kayga ka wato Xafiiska Xarunta taas oo aan xeerinayo in khilaafku aanu sii tarmin una dulqaato inta sharcigu na kala saarayo Gudoomiyaha, ha u qaato isagu waxa uu doono eh, Balse way jiraan dad labada suul ku taagan oo leh ma aqbali karno gardarada qaawan ee Gudoomiyuhu ku hayo masuuliyiinta xisbiga ee uu maalin walba go’aan qalad ah oo aanu xaq u lahayn ka soo saarayo iyaga oo wadadii saxa ahayd ku taagan.
Kuwaa laftooda waxan kula talinayaa ilaa aynu sharciga la gudhinayno xaalkeenu ha ahaado kaadi badane waa loo gogol badiyaa. Lakiin isaguna waa in uu ogaadaa in dulqaadku xad leeyahay UCIDna uu yahay xisbi aanu naga lahayn anaguna aanaan ka lahayn ee la wada leeyahay sharciga gudihiisana ku garnaqsado garina horaa loo yidhi laba nin kama wada qosliso.
Dad badan ayaa aaminsan in labadayada dhinac aan si cadaalad ah na loogu garsoori doonin ee Faysal uu isku hubo hiilka xukuumadda, gaar ahaan dhinaca Madaxtooyada oo farogelin ku samayn doonta haya’daha ku lug leh ka garnaqista khilaafka UCID taasina ay saamayn toos ah ku yeelan doonto go’aankooda Kama dambaysta ah, laakiin ha la gaadho eh kolay anigu ka dayrin maayo.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh anigu waxan aaminsanahay in sharciga ayaanu u marno xalinta khilaafka anaga iyo Gudoomiyaha; sharcigana waxanu marti uga nahay haya’daha gacanta ku haya ee khilaafkan u leh awooda sharci inay ka garnaqaan keliya cadaalad oo ah in aan u sinaano oo aan na loo kala eexan. Taas ayaanu u aragnaa inay ku jirto danta guud ee la wada leeyahay