|

Gobolka M.Jeex: Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo Gashay Maalintii Afaraad, Goobaha & Tirada Dadka La Doonayo Inay Is-diwaangeliyaan

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa si Gaabis ah uga Socota Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, taasi oo socota Maalintii afaraad oo Maantoo Salaasa ah.

DiwaangelintaDadweynaha Gobolka Maroodi-jeex, ayaa iska Diwaangelinaya 156 Goobood, kuwaasi oo 79 ka mid ahi yihiin Gudaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana sida Komiishanka Doorashooyinka Qaranku sheegeen la doonayaa inay Gobolka Maroodi-jeex iska diwaangeliyaan Dad gaadhaya 600.000 Kun (Lix Boqol oo kun)

Goob kasta oo ka mid ah Goobaha Dadweynuhu iska diwaangeliyaan waxa ku sugan oo Dadweynaha Diwaangelinaya Saddex dhallinyaro ah oo lagu tababbaray Koombuutarrada, Sawirka Indhaha iyo Faraha  oo Qofka la Diwaangelinayo laga qaadayo.

Waxa kale oo Goobaha Diwaangelinta laga samaynayo Goob-joog ku ah saddex Muraaqib oo ka kala socda Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID, WADDANI iyo Caaqil waydiinaya Qofka la diwaangelinayo Reerkiisa iyo Caaqilkiisa, taasi oo looga gol-leeyahay in lagu kala saaro Muwaadiniinta u dhashay Somaliland iyo dadka kale ee ku dhex dhuuman kara.

Qof kasta oo Doonaya inuu Is-diwaangeliyo, marka uu gudaha u galo Goobta waxa la waydiinayaa Qoladiisa iyo Caaqilkiisa, markaa ka dibna waxa laga qaadaya Sawir indhaha iyo Faraha ah, waxaana Qalabka loo adeegsanayo Diwaangelintu Awood u leeyahay inuu garto Qofka Mar hore iska-diwaangeliyey Goob kale, ee doonaya inuu mar labaad ku noqdo, sida ay sheegeen Komiishanka Doorashooyinku.

Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo Bisha saddexaad ee Sannadka Dambe, ayaa Gobolka Togdheer laga bilaabay 16-ka Bishii January ee Sannadkan, waxayna ka socotay Muddo 28 Maalmood ah, waxa ku xigay Gobollada Awdal Iyo Saaxil.

Diwaangelinta, ayaa muddo bil ah loo Hakiyey gurmadkii Abaaraha Dalka ka dhacay, waxaana markii Raxmaadka Alle Da’ay laga bilaabay Gobolka Maroodi-jeex, kaasi oo ay ka socon doonto 14-ka Maalmood ee soo socda Haddii Alle yidhaahdo.

Sida Qorshuhu yahay, Afar iyo Tobanka Maalmood ka dib, Goobo Cayiman ayaa Dadku iska diwaangelin doonaan Muddo 7 Maalmood ah.

Si kastaba ha ahaatee Diiwaangelinta haatan ka Socota Gobolka Maroodijeex ayaa u Muuqata Mid aanay dadweynuhu sidii la rabay uga soo xaadirayn Goobaha loogu talo galay inay iska diiwaangeliyaan, arrintan ayaa lagu sababaynayaa Wacyigelintii bulshada oo aad u liidata iyadoo Komiishanka Doorashooyinku qaar ka mid ah Ururada bulshada ay qandaraas ku siiyeen Wacyigelinta Bulshada isla markaana aanu dhawaqoodu gaadhin halkii loogu talo galay.

Comments are closed