|

“Lama Dhicin Gaadhiga Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland,balse Ninkii Dhacay Gaadhiga Waxaanu Rajaynaynaa In Somaliland Nagu Soo Wareejin Doonto.”  Taliyaha Booliska Punt land

Garoowe, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud), ayaa beeniyay in la dhacay baabuur uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Af-gaduudIslamarkaanna wuxuu sheegay in soo celinta baabuurkani barbilow u yahay xidhiidh fiican oo ka dhexeya Somaliland iyo Puntland

Taliyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waa been gaadhi uu leeyahay madaxweyne ku-xigeenku in la dhacay, balse gaadhigga la dhacay waa laba gaadhi oo hay’adda IOM siisay ciidamadda Booliska Puntland ayaa mid ka mid ah, dirawalkii wadday la galay Somaliland, isla markaanna dawladda Somaliland si wanaagsan ayay gaadhigga lala soo galay noogu soo celisay.”Ayuu yidhi Afguduud

Sidoo kale, Darawalkii gaadhiga dhacay ayuu sheegay Taliyuhu inay gacanta ugu jiro Somaliland, islamarkaanna  dhawaanna lagu soo wareejinayo Puntland “Ninkii dhacay gaadhi waxaanu rejaynaynaa in dhawaan Somaliland nagu soo wareejin doonto.”

Ugu dambayn, Taliyaha Booliiska Puntland  ayaa sheegay in Puntaland iyo Somaliland ay billow fiican oo wadashaqayna u tahay soo celinta gaadhingan “Labadda dawladdood Somaliland iyo Puntland waxay u tahay soo celinta baabuurkani barbilow fiican oo labadda dawladood iska kaashan doonnaan xidhiidhka nabadgalyadda iyo Ka waddashaqaynta xidhiidhka labadda dal.”

Comments are closed