|

Wasaaradda Caddaaladda oo Tababar u soo Xidhay Garyaqaanno loo Tababaray Hay’adaha Caddaaladda

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u xidhay 25 garyaqaan oo loo tababaray hay’adaha caddaaladda, kuwaasoo muddo toddoba bilood ah lagu tababaray xarunta Wasaaradda.

tababarkii garsoorayaashaXafladda xadhitaanka Tababarka garyaqaannadan oo ka qabsoontay  xarunta Wasaaradda Caddaaladda waxa ka qaygalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faraax Caddare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Khadar Axmed Diiriye, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abbees, Madaxa UNDP ee xafiiska Hargeysa Sergio Pyshearev, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed , ayaa sheegay in tababarku ahaa wejigii koowaad, balse uu hadhay wejigii 2aad ee shaqaalaysiinta garyaqaannadan muddada toddobada bilood ah la tababaraayey, isagoo ballanqaaday in wejigaasna ay ka wada hawlgeli doonaan masuuliyiinta bahda caddaaladda.

 

Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu sheegay in hay’adaha kala duwan ee qaranku baahi weyn u qabaan garqayaanno dhinaca shuruucda kala taliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa tilmaamay in garyaqaannada qallin-jebiyey shaqo gelintooda deg deg loo galaayo, lagana shaqayn doono.

 

Wasiirka Caddaaladdu waxa kale oo uu sheegay in caddaaladda qaranka la sugo, waxa uu si gaar ah ugu baaqay in saxaafadda caddaaladeeda la ilaaliyo oo aan lagu tacadiyo, saxaafadda laf ahaanteeduna aanay xuquuqda muwaadinka iyo masuuliyiintaba meel kaga dhicin.

 

“Garyaqaannadii hore loo tababaray ee gobollada dalka la geeyey way ka oso yaaceen oo in ay ka soo yacaana waa ayaan darro, sidaa darteed waxa habboon in qofku uu ku soo dhismo degmooyinka, sababtoo ah degmadu waxay kaaga baahan tahay caddaaladdeeda inaad sugto,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in garyaqaannada looga baahan yahay gobollada fog fog in ay caddaaladeeda sugaan, waxaannu ku boorriyey xubnaha qallin-jebiyey in ay sii wadaan barashada shuruucda si ay uga qaybqataan sugida hannaanka caddaaladda qaranka.

Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abbees, ayaa bogaadiyey garyaqaannada qallin-jebiyey iyo guud ahaan bahda caddaaladda ee tababaraysay da’ yartan.

 

Madaxa UNDP ee Xafiiska Hargeysa Mr. Sergio Pysheerev, ayaa sheegay in hay’ad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan in ay taageeraan tobabarada kor loogu qadaayo hannaanka caddaaladda Somaliland, muddo dheerna ay ka soo shaqaynaayeen  hay’adaha caddaaladda sidii kor loogu qaadi lahaa awooddooda aqooneed iyo dhaqaaleba,  waxaannu ballanqaaday in aanay taageerada ay Somaliland siiyaan halkaas kaga hadhayn, balse ay sii wadi doonaan.

Dhammaadkii xaflada waxa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 25 garyaqaan ee tababarka ka soo shaqeeyey iyo hawlwadeennadii ka masuulka ah habsami u socodka tababarka muddadii uu socday.

25 Garyaqaan oo saddex meeloodow meel (1/3) haween yihiin waa dufcadii 4aad ee tababar noocan ah loo dhammaystiro, iyadoo dufcadihii hore ee tababarkan ka qallin-jebiyey garsoorayaal, xeer-ilaalin, la-taliyayaal iyo waliba guddoomiyeyaal Maxkamadeed ka yihiin gobollada iyo degmooyinka dalka.

Comments are closed