|

Xukuumadda Siilaanyo Oo Mar Kale Ku Celisay Balan-qaad Ay Hore Ugu Fashilantay DAAWO

Hargaysa 02.May 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada madax-weyne siillaanyo oo markii saddexaad ku celisay balan-qaadyo la kowsaday tan iyo intii ay la wareegtay talada dalka, balan qaadkan oo ahaa in xukuumada Somaliland ay dalka ka saarto dhamaanba shaqaalaha ajaanibka ah ee ka shaqeeya shaqooyinka ay qaban-karaan shaqaalaha Somaliland gaar ahaan ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha dalka si loo yareeyo shaqa la’aanta loolana dagaalamo tahriibta.

labor-day-2012Hadaba intii ay talada la wareegtay xukuumada madax-weyne siillaanyo waxa ballan qaadyadaasi ay ka billaabmeen wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ahayd wasiirkii ugu horeeyey Ilhaan Mahamed Jaamac ayaa ahayd wasiirkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay dalka iskaga baxaan dhamaanba shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka jooga iyada oo shaqaalaha ugu badan ee dalka ay yihiin ajaanib ama ay u shaqeeyaan hay’addaha caalamiga ah oo Nairobi ka keena shaqaale ajaanib ah iyaga oo shaqooyinkaasi ay qaban karaan ardayda dhamaysatay jaamacadaha dalka.

Waxa kale oo ilhaan xilkaasi uga dambeeyey wasiir garaad oo isaguna ballanqaaday ballan-qaadkii oo taagana geeriyooday.

Waxa ku xigay wasiir Cali Sandule oo isaguna ah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Waxa shalay oo ku beegan Maalinta shaqaalaha aduunka ay ku soo beegmaysaa iyada oo ay baahday cadaalad darada dhinaca fursadaha shaqo.

Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha bulshada Cabdi Daahir Camuud oo maanta BBC-da u waramay waxa uu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ku dhawaaqa in ay fullinayaan ballan-qaadkaasi horeba ay ugu fashilmeen

Cabdi Daahir Camuud waxa hadaladiisii ka mid ahaa” waxa la ogsoon yahay in dalka shaqadu iska yar tahay waxaanu ka hawl galnay sidii loo joojin lahaa shaqaalaha ajaanibka ah ee hay’aduhu ka soo kaxaysanayaan ee ajaanibka ah sida Nairobi, waxa aan usoo jeedinaynaa dhamaanba hay’addaha in ay shaqooyinka siiyaan muwaadiniinta oo aan shaqada ay qaban karayaan muwaadiniintu, loo dirsan ajaanib marka laga reebo wixii technical ah , waayo dadka reer somaliland ee jaamacaadaheeda ka baxay garba duubnaan maayaan”
Agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiaga ayaa dadweynaheena ka dalbaday in wixii mashaariic horumuraineed ah ee shaqo abuurka keenaya aan laga hor imanin.

Comments are closed