Daawo:- ‘Dhibaatada Tahriibta waxa sabab u ah Qurbejoogta laga door bidayo dhalinyarada’ Prof.Yaasiin Calase
Hargeysa, 29,4,2016 (QJ/SDN) – Prof.Yaasiin Calase oo ka tirsan madaxda sare sare ee Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa ka hadlay eedo uu usoo jeediyay dalladaasi xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Burco iyo weliba dhalinyaradii reer Somaliland ee ku dhimatay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar.
Ugu horreyn Prof.Yaasiin Calase ayaa tacsi u diray waalidiintii iyo ehelladii ay ka baxeen dhalinyaradii ku halaagsantahay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar ‘’ Waxaan marka koowaad bartan tacsi uga dirayaa dhalinyarada, waalidiintii iyo asxaabtii ku geeriyootay meeshaas, runtiina aad baanu uga wada xunnahay ka dhalinyaro ahaan iyo ka qaran ahaanba, laakiinse waxaad moodaa in mushkiladaas dadkalagu marin habaabinayo oo la leeyahay maxay SONYO wax uga qaban wayday oo dhalinayradan tahriibaysaa wixii ay cuni lahaayeen waxa cunaysa SONYO ama sonyo ayaa haysata, ‘’ ayuu yidhi Prof.Yaasiin Calase.
Sidoo kale Yaasiin Calase ayaa ka warramay dhibaatada iyo waxyaabaha dhalinyarada ku kallifaya in ay tahriibaan, isagoona sheegay in ay sababtu tahay in dhalinayradii laga door biday dad ajaanib ah ama kuwo dibadaha ka yimid.
Dhanka kale, Yaasiin Calase ayaa SONYO ka difaacay eedo loosoo jeediyay kuwaasi oo uu sheegay in aanay ahayn kuwo xaqiiqo ku salaysan balse dallada Sonyo lagula soo gal-galanaayo eedo aanay lahayn, isagoona ka warbixinyay waxyaabaha ay dallada Sonyo u qabato dhalinyarada Somaliland.
Ugu danbeyntii, Prof.Yaasiin Calase ayaa sheegay in baaqii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in la sameeyo sanduuqii horumarinta dhalinyarada Somaliland aanu weli hawl-galin isla markaana aanay jirin illaa hadda wax dhaqaale ah oo sanduuqaasi kusoo dhacay, isagoona wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ay hirgalinayaan baaqa madaxweynaha.
Haddaba Muuqaalka Warkan Oo Dhameystiran Halkan Hoose Ka Daawo