Dhibaatada Xooggan ee haysata Dadka Soomaaliyeed ee Fiisaha Itoobiya u doonta Garoowe DAAWO
Garoowe 29.April 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Soomaaliyeed ee u Doonta Fiisaha dal-ku-galka Ethiopia, ayaa dhibaato xooggan kala kulma Xafiiska ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Dad badan oo qaarkood muddo dhawr bilood ah ay sugayeen Fiisaha Itoobiya oo Goroowe ku sugan, isla markaana ka kala tegay magaalooyin kala duwan, ayaa sheegay inay Caqabad ku noqotay Laanta Socdaalka Puntland iyo Xafiiska Itoobiya ku leedahay Garoowe oo isu kaashaday.
Waxay dowlad-goboleedka Puntland ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatada haysata dadkaas oo qaarkood Carruur yaryar, isla markaana ay Sahadii ay siteen ka dhammaatay muddada bilaha ah ee ay ku sugnaayeen Garoowe ee ay ku sugayeen Fiisaha dal-ku-galka Itoobiya. Waxaanannu Warbixinta Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-