Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Nin 500 oo Geed Qoyan ah Jaray Xadhig dheer iyo Ganaax Lacageed ku Riday SAWIRO/DHAGAYSO
Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Qaybteeda Wareegta ayaa Xukun isugu Jira Xadhig iyo Ganaax Waxay ku riday C.laahi Haaruun Aadan “Sool” Kadib markii lagu helay inuu Xididada u Saaray 500 oo Geed oo Qoyan isagoo falkaas ka gaystay Deegaanka Qorijablay ee Degmada Sabo Wanaag.
Dacwadan Maxkamada Gobolku waxa ay kusoo gabo-gabeysay Dhageysigeedu iyo Xukunkeedaba goobtii danbigu ka dhacay oo aheyd dhul daaqsimeed ku yaala tuulada Qori-jabley ee Degmada Sabowanaag.
Haddaba dacwadani waxa ay u dhaxeysay Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga iyo Muwaadin Somalilander ah, kaas oo ku talaabsadey in uu si badheedh ah u jar-jaro (700) Geed oo Galool iyo Qudhac ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka M/jeex oo Garsoorena ka ahaa Dacwadan ayaa go’aansaday in lagu qaado dacwada goobtii uu danbigu ka dhacay oo ah dhul-daaqsimeed uu Muwaadinkani sheeganayey, G/yaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa 10 subaxnimo ka bilaabay isla dhul-daaqsimeedkii dhirta laga jarey dhexdiisa dacwadii isaga oo kusoo gabo-gabeeyey dacwadaas oo uu xukun ka gaadhey iyada oo uu K/X/Xeer Ilaaliyaha Guud Md C/raxmaan Maxamed Maxamud-na ka ahaa Dhibane qaranka matalayey.
waxa dacwadan goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Deegaanka Somaliland oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Md. Maxamed Cilmi Xuseen.
Eedaysane C/laahi Haaruun Daa’ud oo 42 jir ahaa waxa uu Maxkamada horteeda ka qirtey danbigaas lagu soo eedeeyey dhageysiga markhaatiyaasha oo ku marag furey ka dib.
ugu danbeyna waxa uu G/yaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ku Xukumey Eedaysane C/laahi Haaruun Daa’uud xadhig dhan 3 sano, (3000,000 sh.sl) oo ganaax ah iyo in uu markuu xadhiga dhameysto beero (200) oo geed isla goobta uu ka jarey dhirta,