|

Daahfurka Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolka Maroodijeex Iyo Khudbadii Madaxweynaha JSL DAAWO

6cf55886-e891-454e-bf49-25ee6fbd180bHargeysa, 28 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada hadhsan, gaar ahaan kan gobolka Maroodi-jeex oo 30-04-2016 ay si rasmi ah uga furmayso dhammaan goobaha loogu talogalay ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Ku dhawaaqidan madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey hoolka shirarka ee Guuleed Hotel, halkaasoo ay xaadir ku ahaayeen, komishanka doorashooyinka qaranka, Asxaabta qaranka, xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, ururada bulshada, masuuliyiin kala duwan, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

Comments are closed