|

13 Qof Tahriibayaal ah oo Lagu Dilay Gudaha Wadanka Liibiya

LIIBIYA

Tiribili, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan 13 tahriibayaal ah ayaa lagu dilay wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in kooxo shufta ah oo dadka tahriibiya ay toogteen 13 qof Masaari ah meel ku dhaw magaalada Bin-waliid ee Bariga Liibiya dhacda.

Telefeshinka Al Jazeera ee Afka carabiga ku hadla ayaa sheegay in dad Tahriibayaal Masaari ah ay dileen 3 qof oo katirsan dadka wax tahriibiya oo kasoo jeeda wadanka Liibiya.

Ilo wareedyo ayaa Al Jazeera u sheegay in kooxaha Liibiyaanka wax tahriibiya ay mid mid u toogteen dhammaan dadkii masaarida ahaa, wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha mukhalasiinta ah ay gaajaysiiyeen dadka musaafurka ah kadibna caro darteed ay dileen sedax kamid ah shuftada wax tahriibisa.

Lamasoo sheegin in dad soomaali ah ay wax ku noqdeen iyo inkale, wadamada Masar iyo Liibiya ayaa marin u ah kumanaan qof Afrikaan ah uu sanad walba u socdaala qaaradda Yurub.

Isbuuc ka hor ayay aheyd markii 500 qof soomaali ah ay ku dhinteen Badda kala qeybisa Liibiya iyo Talyaaniga.

Comments are closed