|

Taliska AMISOM ee Soomaaliya oo ka hadlay Dhibaatada ay shacabka kala kulmaan Ciidamada Amisom

Muqdisho, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Taliska Amisom ee Somalia ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay Ciidamada Amisom ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha ay ku dagaalamaan Ciidamada Amisom iyo Alshabaab.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira, aya sheegay in ay diyaar u yihiin dhowrista Xuquuqda Aadanaha sida uu sheegay.

Francisco Madeira waxa uu qaxiijiyay inay jiraan tabashooyin badan oo kaga imaanaya dhanka Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in waxbadan ay ka bedeli doonaan tacadiga ay Ciidamada xiliyada qaar u geystaan dadka shacabka ah.

Francisco Madeira oo dhawaan ka qeyb galayay Tababar looga hadlayay Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay ilaalin doonto Xuquuqda Aadanaha isagoo intaas ku daray in ay baari doonaan Ciddii ku xad gudubta Xuquuqda Aadanaha ee ka tirsan Amisom.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in si Madax banaan loo baari doono tacadiyada , Ciidamadooda ay u geystaan dadka rayidka , islamarkaana ay diyaar u yihiin la xisaabtan wuxuuna intaas sii raaciyay in haddii aysan dhowrin xuquuqul Insaanka in aysan waxba ka bedelnaan doonin Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hay’adaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeeya AMISOM in ay ka geysteen dalka gabood fallo iyo tacadiyo ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Comments are closed