Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo laga mamnuucay in ay u safraan dalka dibadiisa
Muqdisho, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada ku war geliyey in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu hor keeni doono Golaha Shacabka.
Jawaari waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha wax laga weydiin doono howlaha la xiriira Doorashada, si uu yiri looga hortago waxyaabaha dhib ku noqon kara hanaanka Doorashada dalka.
Inta uu kulanka socday Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay gebi ahaan hakiyeen Safarka dibadda ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Jawaari waxa uu sheegay in hakinta Safarada uu u cuskanaayo sababo dhaqaalo ee soo food saaray dowladda Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan masuul ka ahayn Xildhibaankii doonaya in uu u safro dibadda dhaqaalaha safarkiisa ku kacaya.
Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay mid ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxa ayna ka hadleen illaa 3 Ajande oo ay ka mid yihiin Hindiso Sharciyeedka , maareynta Maaliyadda , Aqrintii 3aad ee Hindiso Sharciyeedka Xanaanada Xoolaha iyo ka doodista Masiirka Guddiga Xaduudaha iyo Arrimaha Federaaleynta dalka ee Madaxa banaan.
Howsha ugu horeeysa ee Baarlamaanka hada uu wajahayo ayaa ah guda gelidda Barnaamijka Xukuumadda ee la xiriira doorashooyinka dalka ka dhacayo dhamaadka sanadkan 2016.