Mudanayaasha Golaha Degaanka Magaalada Laascaanood oo Ku Hawlan Mooshin ay ku Eryayaan Maayarka Magaaladaasi
Laascanood , 28 April, 2016-(SDN/QJ): – Khilaafka dawladda hoose ee degmada laascaanood ayaa maraya meeshii ugu xumayd kadib markii ay soo shaac baxday mooshin ka dhan ah maayarka degmada laascaanood Cisman Salebaan Jaamac taas oo ka dhalatay musuq maasuq la sheegay inuu hadheeyay dawlada hoose ee degmada laascaanood.
Mooshinka oo hormuud u yahay maayarkii hore ee degmada laascaanood Cabdiqaadir Jaamac Saalax (Xuuxuule) ayaa waxaa diyaariyay Xildhibaano aqlabiyad leh,waxaana mooshinka laga dareemaya dawladda hoose ee laascaanood oo gaabis gashay hawlihii adeega ay bulshada u haysay
Maayarka degmada laascaanood ayaa xiligan ku Sugan caasimada hargeysa wuxuuna wadaa Olale uu maamulka dhexe kaga doonayo sidii uu u fashilin lahaa mooshinka ay xildhibaanada ay wadaan isaga oo ku eedeeyay xildhibaanada mooshinka wada inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka.