Filim cusub oo ay soo saartay ISIS-ta Soomaaliya Iyo Falanqaynta maanta DAAWO
London, 28 April, 2016- (SDN/QJ): – Koox Islaamiyiin ah oo ka goosatay Shabaab xiriirna la leh ISIS ayaa soo saaray filimkii ugu horeeyay oo ay kusoo bandhigayaan dufcad kooxdaasi kamid ah oo tabobar ugu soo xirmay meel aan lamagacaabin oo ka tirsan Soomaaliya, hayeeshee loo badinayo buuraha Puntland.
Filimka waxaa uu ka koobmaa 16 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi, waxaana ka muuqda dhallinyaro madaxa u duuban yahay oo muuqaal Soomaaliyeed leh, qaarkoodna Carabi ku hadlayeen.
Madaxa kooxdaan Abdulqaadir Muumin ayaa tabobar usoo xiray dhallinyaro lagu qiyaasay 15 oo u muuqday rag xooggan oo aysan dhibaato kamuuqan.
Kooxdan filimka soo saartay waxaa lagu magacaabaa Jundul-khilaafa, oo af-Soomaali ku noqonaysa Askartii Khilaafada.
Abdulqaadir Muumin ayaa sheegay in tabobarkan soo xirmay uu yahay dufacaddii ugu horaysay ee kusoo biirta kooxdaasi ISIS.
Kadibna waxay bayco ama heshiis la galeen nin ay ku tilmaameen inuu yahay Amiirka Muslimiinta .
Jundul-Khilaafa waxay ku hubaysan yihiin qoryaha baasukaha, PKM-ka, waxay kaloo wataan khasnado dheeraad ah.
Dhulka lagu duubay filimkan waxaa uu u eg yahay dhul Soomaaliyeed, waliba dhul buuralay ah oo qarfe ah, isla markaana leh geed gaab. Xilliga la dubayna wa xilli jiilaal ah .
Saamayn kala duwan ayuu filimkan yeelan karaa, waa midda koowaad kooxda ISIS oo Soomaaliya looga awood badan yahay ayaa isku muujinaysa inay ka shaqaynayso Soomaaliya.
Waa Ujeeddo kale oo ay rabto ISIS inay dad ku qorato isla markaana lagu soo biro.