|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ka Hadlay Khasaaraha ka dhashay Shil Baabuur oo duleedka Hargaysa ka dhacay

Hargaysa 27.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyadaynaya dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kantratoolka bari ee Hargeysa maanta 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof.

SHILMadaxweynuhu waxa uu Marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto jannadana geeyo qoysaskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada iyo hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi shan ruux oo ku naf waayey shil gaadhi oo maanta 27/04/2016 ka dhacay duleedka Kaantaroolka bari ee magaalada Hargeysa.
Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaa eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen Marxuumiintaasi, waxaana uu tilmaan ka bixiyey in dhibbaatada shilalka gaadiidku ay tahay dhibbaato khatar weyn ku ah guud ahaan qaranka Somaliland, sannad walbana ay dad badan inagaga dhintaan shilalka gaadiidka, waxaana uu xukuumadda u soo jeediyey in ay xal u raadiso siddii loo yareyn lahaa shilalka gaadiidka.
Guddoomiye Cirro, waxa uu ugu dambeyntii uu Alle ka baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo dhammaan Marxuumiintaas, eheladdii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin

Innaa-Lillaahi Wa-Innaa Illeyhi Raajicuun

Comments are closed