|

“Waxaynu U Baahanahay Mucaarad Iyo Muxaaafidba Inaynu Aafada Tahriibta Si Wada Jir Ah Uga Hawlgalno,Xukuumadanina waa Tii ugu Waxqabadka badnayd”……… Wasiir Yuusuf C. Garas

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Prof Yuusuf Cismaan Garas ayaa ku timaamay Tahriibta Aafo Qaran oo u baahan in Mucaarid iyo Muxaafid loo midoobo Sidii wax looga qaban lahaa ee loo joojin lahaa Dhalinyarta Tahriibaysa,waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Kulmiye inta ay Dhalinyarta u qabatay aanay u qaban Xukuumadihii ka horeeyay islamarkaana imikana Diyaar u tahay inay Dhalinyarta ka dhisto dhinaca aqoonta iyo Siyaasadaba,waxa uu Sidoo kale ka hadlay inay Ka wasaarad ahaan kor uqaadayaan Tayada Waxbarashada Dawlada,isagoo sheegay inuu Gabo gabo yahay Hirgalinta Barnaamijkii Siyaasada Waxbarashada Qaranka ee ay Dhawaan soo bandhigeen.

GarasWasiir Ku xigeenka ayaa sidan ka sheegay Xaflad baroor diiq ah oo loo qabtay dhalinyartii Reer Somaliland ee ku geeriyootay Bada Masar iyo Talyaaniga u dhexaysa,Waxaa xafladan soo qaban qaabiyay Ardayda Jaamacada Hargeysa,ugu horayn waxa uu wasiir ku xigeenku ka hadlay oo uu soo jeediyay in Tahriibta si wada jir ah looga wada hawlgalo oo aan cid gaar ah lagu dhaliilin,waxaanu yidhi“Waa Run oo may ahayn Xafladani in Aad loogu yool yootamo Laakiin Waxay ahayd inaan Xaqiiqada Taabano,Waxaa iga dardaaran ah,Arimaha Qaarkood waa Arimo Qaran,oo Heer Qaran ah,Waxaynu u baahanahay Mucaarad Iyo Muxaaafidba in si wada jir ah looga dooda oo bilaa Caadif ah,Waa maxay Sababtu iyo Muxuu Noqon karaa xalku, yaase sababay? Maxayse Ku dhacday?,Maxuma taasi marka sideeda looga dooday laakiin Ma haboona in kalmado laf jab ah oo aan haboonayn la isku yidhaahdo,waxaa xafladan u badnaa intii hadashay kalmado aad u fool xun oo aan Masuuliyiinta Qaranka u qalmin in lagula kaco”.

Waxa kale oo uu yidhi “Dhalinyarta Waxaan kula talinayaa,Waxaad wax ku doorataan,Waxaad wax ku raacdaan oo Aad madax ku doorataan,waxaad Xisbi ku raacdaan markuu idiinla yimaado Barnaamij Dhalinyarta wax u tari kara oo Qiime leh,Looma baahna iska yaac Caadifad ah,laakiin waa inaynu Qiimaynaa,Haddii Xisbi Mucaaridku la yimaadaan Barnaamij Qiime leh oo ka wanaagsan kay Xukuumaddu wado Doonta,laakiin waxa hubaal ah inaan Xukuumadda Kulmiye ee Maanta jirta aanay jirin Xukuumad uga wax qabad badan Dhinaca Dhalinyarta,tan iyo Xukuumaddihii kala duwanaa ee Somaliland Soo maray,Waxaa dhalinyarta Golayaasha Deegaanka Loogu fasaxay Inay la yimaadaan Hal abuur,iyagoo tusaale u ah ama matalaya Dhalinyarta kale,waxa ay taagan tahay xiligii aad la xisaabtami lahaydeen Goleyaashii Deegaanka Dhalinyartii loo doortay, Maxay dalka u qabteen,Madal kasta oo furan Xukuumaddani way soo bandhigaysaa waxay qabatay,dhaliisheedana way qaadanaysaa,kana gabamayso Wixii dhaliilo ah ee la noosoo jeediyo”.

Ugu Dambayn Waxa uu dadkii xafalada ka soo qayb galay kula dardaarmay in dhaliisha iyo Wax qabadka labadaba aan la ilaawin ee la is agwado oo lawada carrab dhabo“Waxaa Qurux Badan In wax la qabtay la sheego,Dhaliishana la sheego,laakiin haddii aad Qariso waxa la qabtay,Dee Dhaliishana cidi kaayeeli mayso,waxaan ku soo koobayaa Hadalkayga,Dhalinyartu waa udub Dhexaadkii dalka,Waa Qiimihii Dalka,Maanta waxaynu taaganahay Doorasho,codkaaga iyo fartaada ayaa kuu haya Nin Wax kuu qaban karaya inaad Dooran karto,Qabiilkan halkaasi ayaa kaga tagi kartaa,Reer Hebelnimadana halkaasi ayaad kaga leexan kartaa. Ka wasaarad ahaan Haddaan u soo noqdo Xal,Anigoo ku hadlaya Afka Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta sare, Diyaar ayaanu unahay inaanu Tayada Tacliinta wax ka badelno,Hawsheedana waanu ku jirnaa,Dhawaanu waxaanu soo bandhignay oo aanu cid kasta oo ay khusaysay ku casuunay Siyaasada Waxbarashada Qarankani yeelan lahaa,Si ay ugu biiriyaan Talo iyo Tusaale wixii ay hayaan,waanu soo dhawanaynaa ururka ay samaynayaan Ardayda Jaamacadaha Dalku,Hadaanu wasaarad ahaan nahay Dhismaha Ururkaasi Diyaar ayaanu unahay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Prof Yuusuf Cismaan Garas.

Comments are closed