|

Hargaysa Horumar Mise Dib u dhac: Waa Dhaqamadii Reer Galbeedka oo loo soo Waariday Somaliland looguna Magac daray Somaliland fashion 2016 DAAWO

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):- Magalada Hargaysa Ayaa sanadahan u danbaysay waxa si wayn uga socda horumar aan la qiyaasi karin kaasoo isugu jira dhinaca ganacsiga,dhismaha ,nolasha ,iyo isdhaxgalka bulshooyinka kala duwan .

Arintani waxay keentay tartanka dhinaca adeegsiga tiknoolajiyadu inuu qayb wayn ka qaato la jaanqaadka nolosha iyo dhaqamada aduunku Halku Maanta gaadhay in hargaysa ay hooyo u noqoto casimad qurux badan oo laga heli karo horumar kasta oo bulshadu u bahantahay.

Hadaba arinta xiisaha leh ayaa ah magalada hargaysa ayaa koox dhalinyaro ah oo ay maalin gelinaysay meherad dhinaca labiska dumarka iyo ragaba ayaa intay bulshada goob fagaara ah ugu so bandhigto arin aan hore looga baran dhaqamada gayigi somalida kaaso ku cusub yahay noocisuna hargaysa

Kadib markii kooxda dhalinyarada oo kolba ku labisan dhar kala duwan ay goob fagaara oo dad ka buuxan kuso bandhigayeen muuqalada jidhkooda labiskooda iyo waliba qoob ka ciyaar la xidhiidhsan kolba nidaamka libiska qofku uu wato waxaana cawayskan lagu magac Daray Somaliland fashion 2016

Mowduucan xiisaha badan hoos ka dawo faafahinta barnaamijkan layaabka leh ee la odhan karo wuxuu yahay mid laga so maan guuriyay reer galbeedka iyo wadamada horumaray.

Comments are closed