Qoraa Reer Somaliland Ah Oo Nebi Muxammad N.N.K.H Aflagaadeeyay iyo Jawaabtii ay Culimadu ka bixiyeen
Hargeysa, 26,4,,2015 (QJ/SDN) – Nin qoraa ah oo assal ahaan kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo aaminsan waxa loo yaqaanno Calmaaniyadda ama se Diinlaawenimada ayaa aflagaado fool xun u gaystay Nebi Muxammad N.N.K.H.
Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahim-Hawd Yuusuf ayaa ku nool qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Sweden, waxaana uu caan ku yahay qoraallada Sheekooyinka ah, iyadoona lagu tiriyo dadka qoraalka aadka u yaqaanna, sidoo kalena waxa uu caan ku yahay Fikirka Calmaaniyadda isagoo mar walba aflagaado u gaysta diinta sharafta leh ee Islaamka iyo Culimada islaamkaba.
Ninkan ayaa horay ugu sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook in Axaadiista nebi Muxammad NNKH ay ahaayeen hadalo siyaasi ah oo ay is weydaarsan jireen asxaabtiisa, isagoona axaadiista badankooda ku tilmaamay been abuur.
Qoraagani ayaa waxa kale oo uu qoraalladiisa si wayn ugu faafiyaa baraha bulshada iyo qaar ka mid mareegaha internetka, isagoona sidoo kale Aragtiyaha sumaysan ee uu aaminsanyahay ku qalda dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo aan iyagu aqoon badan u lahayn arrimaha diimaha gaar ahaan tan Islaamka oo uu sheegto in uu yahay Islaam.
Sidoo kale waxa jira Buuggaag dhowr ah oo uu ninkani qoray kuwaasi oo lagu iibiyo ama se laga akhristo qaar ka mid ah koobaha akhriska ee magaalada Hargeysa.
Ibraahim-hawd ayaa la sheegaa in uu si wayn uu xidhiidho ula sameeyo dhalinyarada soomaaliyeed ee dhanka qoraalka ku wanaagsan kuwaasi oo la sheego in uu inta badan kala hadlo sidii ay fikradaha noocan oo kale ah ay ula qaadan lahaayeen isla markaana ay ula faafin lahaayeen, wallow dhalinyaro badan ay arrintaasi ka digtoonaadeen, balse waxa jira iyaguna dhalinyaro kale oo uu gacanta ku dhigay kuwaasi oo difaaca aragtidiisa iyo qoraallada diin ka baxa ah ee uu ku faafiyo mareegaha internetka.
Ninkani ayaa qoraalkiisii ugu danbeeyay ku aflagaadeeyay Nebi Muxammad N.N.H.H, isagoona Nebiga ku sheegay in uu la mid ahaa islaamka ka hor Mushrikiintii Qureysheed taasi oo uu nebiga ku sheegay ‘Mushrig’ oo micnaheedu yahay ‘Gaal’. Sidoo kale waxa uu ninkani Tafsiir qaldan ka bixinayaa Aayaat ka mid ah Qur’aanka kariimka.
Haddaba waxaad halkan hoose ka akhrisan kartaa qoraalka Ibraahim-hawd uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee facebook, kaasi oo ku aflaageedyay Nebi Muxamed, iyo sidoo kale Screen-shot’ka qoraalka iyo qoraalkii oo dhameystiran;
”Waa maxay macnaha ”iimaan” fahanka diineed? Luqadda islaamnimada ee aynnu innaga iyo muslinka oo dhami ku dhaqanno erayga ”iimaan” macnihiisu waa rumaynta Alle iyo waxa uu isagu dadka amray. Falka diineed ee la samaynayaa, sida salaadda iyo soonku, iimaan ma aha ee waa falal cibaado oo hoos yimaadda iimaanka. Sow ma aha? Haddaba Rasuulkdeenna Maxamed, Sallallaacu caleyhi wasallam, Waxyiga ka hor sow mushrig ma ahayn?
Xadiisyo badan iyo in weyn oo ka mid ah Siirada Rasuulku waa beenabuur iyo sheekooyin beri dambe la falkiyay. Xadiisyadaa iyo siiradaa beenabuurka ah waxaa ka mid ah kuwa ina bara Maxamed in uu Waxyiga ka hor ahaa qof Alle doortay oo dhawrsan oo muslin ahaa. Laakiin dhab ahaan Rasuulkeenna intii aan Waxyigu ku soo dagin sow ma cadda in uu ahaa mushrig la mid ah mushrikiinta Carbeed ee tolkii ah? Miyuu yaqaannay kitaab iyo iimaan waxa ay yihiin? Aayadaha Quraanka ah ee ina baraya in uu mushrig ahaa, oo aanu kitaab iyo iimaan aqoon, aad ayay u badan yihiin. Labadan tusaale ee degdegga ah uun bal i la eeg.
Ilaahay isaga oo la hadlaya Maxamed oo Waxyiga ka hor Qureesh ka la mid ahaa mushrignimada, dharka nijaasta ah iyo sanam-caabudnimada, suuradda 74-aad ee Quraanka Kariimka ah, magaceeduna yahay ”Muddasir” shanteeda aayadood ee u gu horreeya wax uu isu daba dhigay xaqiiqadan:
يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ ﴿١﴾ قُمْ فَأَنذِرْ ﴿٢﴾ وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ ﴿٣﴾ وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ ﴿٤﴾ وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ ﴿٥﴾
”Waar qofkaagan duudduubanow kac (1) Kac oo dadka u dig (2) Kac oo Allahaaga weynee (3) Kac oo dharkaaga daahiri (4) Kac oo sanam-caabudnimada ka fogow (5)”.
Boqol siyood oo wada ujeeddaysan oo wada been ah ayay afmiishaariinta aan diinta runta ka sheegini aayadahaa u fasireen. Tobannaan aayadood oo si faseex ah inoo baraya Maxamed in hanuunkiisu la bilawday Quraanka ku soo dagay ayaa la beddelay oo macnayaal aanay qaadan karin loo rogay. Aayadda 52-aad ee suuradda Shuuraa wax ay caddaynaysaa:
وَكَذَلِكَ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا مَا كُنتَ تَدْرِي مَا الْكِتَابُ وَلَا الْإِيمَانُ وَلَـكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَن نَّشَاءُ مِنْ عِبَادِنَا وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ﴿٥٢﴾
”Sidaas baannu Quraanka awooddayada kuu gu waxyoonnay [Maxamedow], mana aad aqoon waxa uu kitaab yahay iyo waxa uu iimaan yahay, laakiin annaga ayaa Quraanka ka dhignay ilays aannu ku hagno cidda aannu doonno addoomahayaga, sidaas baanad u gu hanuunsan tahay tubta qumman”.
Aayaddan sidaa aad aragto u cad ayay afmiishaarradu ku macneeyaan in ay ka hadlayso tafaasiisha hoose ee diinta, sida cibaadaadka, ee aanay ka hadlayn rumaynta Alle iyo Quraankiisa. Laakiin qof garaad fayowi miyuu aayaddaa macnaheedu mugdi ka ga jiraa? Maya.”
Halkan Guji Oo Ka Eeg Facebook-ga Qoraalka Ibraahim-hawd
Jawaabaha Laga Bixiyay Qoraalka Ibraahim-hawd
Halkan Guji oo ka akhriso jawaabtii Dactor Abdulqani Beder uu ka bixiyay Qoraalka Ibraahim-hawd
Halkan Guji oo ka akhriso jawaabtii Sheekh Cabdirasaaq Rakuub uu ka bixiyay Qoraalka Ibraahim-hawd
Ugu danbeyntii, Culimada islaamka iyo kuwa soomaalida ayaa looga baahan yahay inay dadka fahamsiiyaan tafsiirka aayadahan uu Ibraahin Hawd oodaha jiidhsiiyey.