Gobolka Sool Roobka Gu’ga Oo Ka Curtay Deegaanno Foostada Biyaha Ahi Ka Mareysay $ 20 Doollar
Laascaanood, 26 April, 2016-(SDN/QJ): – Roobab ku soo beegmay xilli xaalad aad u adag ay ka jirto inta badan Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Shalay ka da’ay deegaanka Xuddun oo ay Foostada Biyaha ahi ka gaadhay inka badan 140,000 oo shillin.
Roobabkan ayaa billowday Gellinkii dambe ee Shalay sida ay sheegeen suxufiyiin deegaankaas safar shaqo ku marayay, iyagoo xusay in roobabkani ay yihiin kuwo xoog leh oo dabeylo wata.
“Waxaan maraynay deegaanka Dhaban, markii dabaylo xoog leh oo aanu ka socon kari-weynay naga Hor-yimaaddeen, kaddibna waxaa billowday Roobab xoog leh,” ayuu sheegay Maxamed Cismaan C/nuur oo marayey deegaano Xuddun iyo Awr-boogeys u dhexeeya oo ay Abaaro ba’ani ka jireen.
Deegaannada Awr-boogeys, Sarmaayo oo ka kala tirsan Xuddun iyo Taleex, ayaa iyagana sida ay Dadka deegaanku sheegeen Roobab jabiyay Abaartii ka taagnayd ay ka da’een.
Sidoo kale, Deegaannada dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood, waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah, haba kala duwanaadaan, iyagoo saameyn ku yeeshay dadka reer guuraaga ah ee ku sugnaa Gobolka Sool.
Guddida Gurmadka Abaaraha Gobolka Sool, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jiray Gurmad ay u fidinayeen kumanaan qoys oo xaaladooda nolol ay aad u liidatay, ayaa ididdiilo wanaagsan ka muujiyey in Deegaannada kale ee weli Abaartu ka jirto Roobabku ka dayaan, iyagoo ILAAAHAY ka baryey inuu Ummaddiisa u soo Naxariisto.