Norway: Soomaalida Haysata Sharciga Ku Meel-gaadhka Ah Oo Lagala Noqonayo Iyo Sababta Keentay
Oslo, 26 April, 2016-(SDN/QJ): – Dowladda Norway, ayaa bilaabeysa qorshe sharciga deganaaanshaha aan rasmiga ahayn ay kagala noqonayso dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Norway, si markaa dib loogu soo celin karo Dalkooda.
Wasiirka Qaxootiga iyo is-dhexgalka ee dalka Norway Sylvi Listhaug oo ka tirsan Xisbiga midiga fog ee FRP ayaa ku dhawaaqdey qorshahan Shalay.
Waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa joojiyey dhammaan sharciyada la siin jiray dadka Soomaalida ah, waxayna Soomaaliya u wada dirteen Safiirradii u fadhiyey dalka Kenya, kuwaas oo loo magacaabey in ay Soomaaliya safiir uga noqdaan.
Sababta ugu weyn, ayaa ah sidii ay Dowladda Soomaaliya ugala hadli lahaayeen qorshaha qaxootiga lagu celinayo, taas oo aan suurta gal ahayn haddii labada dal ayna ka dhexeyn cilaaqaad diblomaasiyadeed.