Wasiirka Amniga”Puntland u ma samaysna inay cid weerarto,xuduudaheedda ayey ilaashan” DHAGAYSO
Garowe , 25 April, 2016-(SDN/QJ):– Wasiirka wasaarada amniga dawlada Puntland mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada u dhexeeya Galmudug iyo ciidamada Liyuu Boolis.
Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Galmudug inay ku eedaysay dagaalka xuduuda ku dhexmaraya Galmudug iyo Itoobiya inay lug kuleedahay Puntland arintaas ayuu sheegay inaysan Puntland waxba kulahayn gacan ah.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale wuxuu xusay inay Galmudug iyo ciidamada dagaalku uu ka dhexeeyo hadalo ay isdhaafsadeen Puntland ku eedeeyeen Galmudug midaas oo ay u arkaan hadal aan laga fiirsan.
Wasiirka amniga ayaa gaba gabadii wuxuu sheegay inay muqadis tahay in Puntland ay ilaashato xuduudaheeda lakiin aysan ka shaqaynayn kala fogaynta shacabka Soomaaliyeed.