|

DEG DEG: Heshiis Laga Gaadhay Xiisaddii Banka Qool-cadey ee Degmada Sallaxley

Hargeysa, 24,4,2916 (QJ/SDN) – Warar hor u dhac ayaa naga soo gaadhaya deegaanka banka Qool-cadey oo uu ka socdo shir saddex geesood ah kaasi oo u dhaxeeya dadka deegaanka, madax-dhaqmeedka iyo xukuumadda Somaliland. Shirkaasi oo xal loogu raadinayo xiisaddii halkaasi ka taagnayd.

Wararku waxay sheegayaan in shirkaasi laga gaadhay heshiis kaasi oo ay isla qaateen dadka deegaanka iyo dhinacyadii kale ee ay xukuumaddu hoggaaminaysay.

Qodobadda hor-dhaca ah ee kasoo baxaya heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in laysla gartay in halkaasi laga Qodo ceel biyood uu soo saari doono riiggii markii horeba halkaasi la geeyay, sidoo kale waxa heshiis kaasi lagu sheegay in aan wakhti xaadirkan la oodi doonin ama se la xidhi doonin seerihii banka Qool-cadey kaasi oo ay dadku markii hore ka gadoodeen.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah.

Comments are closed