|

Faahfaahinno Dheeraada oo kasoo baxaya dagaalka Banka Qool-caday iyo Ciidan Millatari Oo Goobta Gaadhay

Hargeysa, 23,4,2016 (QJ/SDN) –  Faahfaahinno dheerada ayaa kasoo baxay dagaalka la sheegay in uu ka socdo deegaanka Banka-Qoocaday ee degmada Sallaxley, halkaasi oo uu dagaal ku dhex-marayo Ciidanka dowladda Somaliland iyo dadka deegaanka.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa dagaalka ku dhaawacmay sida ay sheegayaan ilo-wareedyo madax-bannaan oo halkaasi ku sugan, waxaana wararka qaar ay sheegayan in dhaawaca ciimada Somaliland lasoo gaadhsiiyay Cisbitaalka way ee magaalada Hargeysa.

Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona weli aanay jirin warar caddaynaya in uu weli dagaalku socdo, balse wararka qaar ayaa sheegaya in halkaasi la gaadhsiiyo Ciidamo millatari ah iyo gaadiid Tikniko ah oo ku wajahan dhanka Banka Qoolcaday.

Dhanka kale, deegaanka Banka Qool-caday ayaa waxa ku sugan Wefti uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wetigaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cukuse iyo taliyaha ciidanka Bileyska mudane Fadal.

Ugu danbeyntii, dagaalkan ayaa la sheegayaa In uu sababay Riig halkaasi la geeyay saaka aroornimadii, kaasi oo ay dadka deegaanku diideen.

Si kastaba ha ahaatee, weli xaaladda deegaanka Banka Qoolcaday ayaa ah mid kacsan, inkastoo aan la ogayn halka uu xaal ku danbeyn doonno.

Comments are closed