Murashax Finad: Xaaladda Cakiran Ee Banka Qoolcadey waxa ka masuul ah Wasiir Cukuse iyo Xukuumaddiisa
Hargeysa, 23,4,2016 (QJ/SDN) – Murashax Maxamed Xasan Xaashi Finad oo ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada aqalka Baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay goordhaweyd xaalada cakiran ee ka taagan deegaanka Banka-Qoolcadey, halkaasi oo uu dagaal ku dhex marayo ciidanka dowladda Somaliland iyo dad shicib ah oo deegaan ah.
Maxamed Xasan Finad ayaa masuuliyadda dagaalka halkaasi ka socda dhabarka u saaray Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horreeyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse, sidoo kalena waxa uu sheegay In murashaxu in aan la wacyigalin dadka deegaanka.
Murashaxa ayaa qoraal uu goordhaweyd soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee facebook oo uu kaga hadlayo xaaladad banka Qoolcady ku yidhi; ‘’ Xaalada cakiran oo kataagan saaka banka Qoolcadey waa ayaandaro wixii khasaara ah ee goobta ka dhacana Xukuumada oo uu u horeeyo Cukuse ayaa ka masuul ah dad aan la wacyi gelin baa lagu duulay’’