Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia oo Shaaca ka qaaday inuu Mar kale isu Taagayo Hanashada Kursiga u Sareeya Somalia DHAGAYSO
New York, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha Dawlada federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuu dabayaaqada sanadkan uu ka qayb galayo doorashada ladoonayo inay ka dhacdo wadanka gudihiisa.
Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday inuu keenayo ajandayaal cusub kuwaas uga qayb galayo doorashada Soomaaliya ee soo socota.
Madaxwaynaha ayaa mar uu ka hadlayey waxqabadkiisii intuu xilka hayey wuxuu sheegay inay Soomaaliya meel wanaagsan ka gaartay dawladnimada iyo geedi socodka Soomaaliya.
Xassan Shikkh Maxamuud ayaa sheegay inuu yahay musharax u tartamaya xilka madaxwayninimo waxaana sidoo kale uu sheegay inuu gaarsiinayo wadan meesha uu maanta joog meel ka wanaagsan sida uu sheegay madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud.
Xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ilaa iyo hada waxaa u sharaxan ilaa 3 Musharax oo doonaya inay qabtaan hogaanka Soomaaliya si ay uga saaraan dalku marxalada uu ku jiro una gaarsiiyo mid ka wanaagsan.