|

Waxgaradka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Arxan daradii lagu dilay laguna gubay 7 Qof Shacab ah DHAGAYSO

Muqdisho, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay masiibadii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee lagu gubay 6 caruurta iyo ayeeyeydood.

 

Waxgaradkan oo ka kala socday bulshada rayidka ah iyo maamulka koonfur galbeed si kulul u canbaareeyey falkaasi foosha xun ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Axmed Bare, ayaa si kulul uga hadlay dilkaasi arxan darada ah,wuxuuna lamaha amniga ka codsay inay soo qabtaan dadka gaystay dilka ciqaabta ay mudanyihiina la marsiiyo.

 

Shariifo Cadow, oo kamid ah waxgaradka ka qayb galay munaasibadan looga soo horjeeday dilka ayaa arin cusub oo naxdin leh ku tilmaantay dhacdada lagu gubay waxaana ay maamulka koonfur Galbeed iyo dawlada federalka Soomaaliya ka codsay in lasoo qabto dadka ayna u baahantahay awood dawladeed in wax looga qabto.

Shacabka deegaanada ay dhacdan ka dhacay ayaa aad iga soo horjeestay dhibaatadan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo dhacdo naxdin leh ku tilmaamay qoys dilo hadana la gubo.

Waa markii ugu horaysa oo dhacdan ay ka dhacdo gobolka tan iyo wixii ka danbeeyey bur-burkii Soomaaliya ka dhacay sanadkii 1991dii.

Comments are closed