Afar Qodob Oo Ay Isla Garteen Aqoonyahanada Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga Ku Wada Hadlayay
Ankara, 21,4,2016 (QJ/SDN) – Kulankii u socday aqoonyahano ka kala socday dalalka Somaliland iyo Somaliya ee ku qabsoomay dalka Turkiga, ayaa shalay la soo gunaanaday, waxaana laga soo saaray afar qodob.
Kulankan, oo socday laba maalmood waxa dadka ka qayb galay kala hoggaaminayay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo Yuusuf Garaad Cumar, waxaana laga soo saaray afar qodob oo aan saxaafadda loo bandhigin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, waxaana qodobadan ka muuqda in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee hakadka galay.
Afarta qodob oo uu Geeska Afrika ka helay ilo xogogaala, ayaa waxay u dhignaayeen sidan:
1. In mar labaad la sii wado wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya
2. In Siminaaro iyo shirar lagaga wada hadlayo dadka Soomaalida ah guud ahaantood iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya oo shirkan lagaga hadlay la sii wado
3. In hay’adda ?hsan Do?ramac? Peace Foundation ay hoggaamiso doodaha ku saabsan khilaafaadka Somaliland iyo Somaliya. Waa urur madaxbanaan oo Turki ah kana shaqeeya cilmi baadhista iyo Dimuqraaiyada
4. In si dhakhso ah la isugu yimaado shirkan shirka xiga.
Kulanka u dhexeeyay aqoonyahanka oo shalay loo wareejiyay magaalada Ankara, ayaa waxa ka soo baxay afartaas qodob mana muuqato inay Somaliland ku guulaystay mid ka mid ah qodobadii ay in badan ku doodi jiray ee ahaa in wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ay dawlado kale ka qayb galaan, waxaana la aaminsanyahay in Turkiga iyo Somaliya ay diidanyihiin qodobkan oo ka mid ahaa shuruudihii ay Somaliland wada hadalka kaga baxday.
Geesta kale, waxa iyaguna dalka Turkiga jooga Wasiirada arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi, waxaana sidoo kale isna dalkaas Turkiga jooga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa, warar aan la xaqiijinaya waxay sheegayaan inay kulan yeesheen Salaasadii.