Wiil Reer Hargeysa Ah Oo Geeri Lagu Tirinayey Kana Badbaaday Dadkii Badda Ku Le’day Dorrad Oo Qoyskiisa Lasoo Xidhiidhay
Greece , 21 April, 2016-(SDN/QJ): – 23 –Soomaali ah oo u badan oo reer Hargeysa ayaa nasiib u helay oo ka soo badbaaday Masiibada Doontii ku qarqoonta Biyaha badda u dhexeeya Dalalka Masar iyo Talyaniga,waxa soo hadlay mid ka mid ah Dhalinyaradii la shaaciyay inuu ku jiray Dad Doontaasi ku geeriyooday,waxaanay arintaasi aad uga farxisay Qoysas badan oo Soomaali ay u fadhiyay Tacsida Geerida Wiilashooda loo soo sheegay.
Wiil lagu magacaabo Cawaale Safiirka oo markii la badbaadiyay Qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebookga ayaa sheegay in doontaasi ay kaga badbaadeen 23-Soomaali ah oo ay hadda ku sugan yihiin dalka Greeka.Waxa uu qoraalkiisan ku sheegay in doonta ay ku saarnaayeen 500 oo ruux oo Muhaajiriin ah laakiin intii Soomaalida ahayd ay kaga badbaadeen oo qudha 23 ruux oo uu ka mid yahay,waxa kale oo uu wiilkaasi qoraalkiisa kuu sheegay in dadka badbaaday ay ku jiraan Wiilal kale oo ay saaxiibo yihiin oo hore loo shaaciyay inuu dhinteen bale aanu sheegin Magacyadooda. Warka wiilkani soo diray shalay ayaa nolol iyo Farxad galisay Qoysas badan oo Soomaali ah oo Tacsi u Fadhiyay, waxaanu Qoraalkiisa ku sheegay inuu soo diri doono Warbixino kale oo ku saabsan Doontaasi Qarqoontay iyo siday wax u dhaceen. Waxa uu sheegay oo kale in Dhalinyar badan oo Soomaali ah oo ay safarkan kuwada jireen ay ku dhinteen Doontaasi, waxaanu Alle uga baryay inuu u naxariisto intii dhimatay.
Qoraalka Uu Wiilkaasi Soo Dhigay Facebookgiisa ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Alle ayaa mahad Mudan isoo bad baadiyay, hadda waa noolahay, waxaana soo gaadhay Jasiirada kalamata ee Xadka Dalka Greeka,Waxaanu ahayn 500-oo Ruux, waxaan ku nool nahay 23 Soomaali Ah, oo aan ka Mid Ahay aniga oo ah Cabdale Warsame Sandhool,waxaan ka codsanyaa Asxaabtayda inaad ka saartaan geerida aad ii soo qorteen, dhimashaduna waa xaq, safna waa lagu jiraa oo waa lakala horeeyaa uun. Sawiro Iyo muuqaalo Ayaan idinla wadaagi doonaa siday wax u dhaceen, intii dhimatay Alle ha u naxariisto oo illa socotay”. Ayuu Qoraalkiisa ku soo koobay.
Wiilkani ayaa ka mid ahaa Wiilasha ka tahriibay Magaalada Hargeysa,waxaana markii uu qoraalkaasi Wall-kiisa soo dhigay qoraal farxadleh la boobay Asxaabtiisii markii hore tacsidaynayay,waxa sidoo kale uu Ilmada ku celiyay qoysas tacsi u fadhiyay oo naawilayay dhawaaq farxadleh oo ku saabsan wiilashadoodii Wiilkani la socday inay ka mid yihiin Soomaalida badbaaday ee Sheegay.
Waa Tiradii ugu badnayd Abid ee Somaliland ka baxda ee doon sidan oo kale uga wada qarqoonta,waxaana Dhacdadan laga wada dareemay Guud ahaan Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland oo laga barooranayay.