|

Xildhibaan Rayte Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyeen Saami Qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gudida arrimaha gudaha ee golaha wakiiladda, xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa ka hadlay warbixin hordhac ah oo ay u gudbiyeen Madaxweynaha, taasoo nuxurkeedu yahay xog ururin ku saabsan saami qaybsigga kuraasta Baarlamaanka oo ay ka soo sameeyeen goboladda Somaliland, waxaanu sheegay in gole ahaan sugayaan wixii talo ah ee ka yimaada Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

rayteXildhibaanku isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Sidaasay taladii qaran ugu maqantahay Madaxweynaha, oo aanu ka sugaynaa oo goluhu wuxuu sugayaa wixii talo ka yimaada Madaxweynaha, oo waxaanu u gudbinay warbixin hordhac ah oo kooban oo xanbaarsan nuxurkii guud ee aanu ku soo aragnay iyo talo-bixintii wixii afgaar ahaa ee aanu qabnay anagu gudi ahaan.”Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte“Laakiin warbixin buuxda oo dhammaystiran oo tafaftiran waanu waddanna oo gudidu way wadda, waanan soo saari doonna, golahan waanu u sheergaranayn doonna, hase-yeesha waxa ka horaysa tallo-bixinta madaxweynaha.”ayuu yidhi Xildhibaan Rayste

Sidoo kale, Xildhibaan Rayte ayaa sheegay in aragtiyaha la kala qabaa kala fogyihiin “Arrinta warbixin baanu ka soo diyaarinay, warbixintii shirgudoonka ayaanu u gudbinay, waxay gabagabadu noqotay, in aragtiyadaha la kala qabaa ay aad u kala fogyihiin goboladda. Taasinna ay u baahantahay in loo helo talo-qaran oo lagu midaysan yahay oo heshiis lagu yahay oo saamiga ama kuraasta golaha wakiiladda goboladdu ku qabsaddaan.”ayuu yidhi Rayte

Comments are closed