|

Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Jawaab ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Generaal Gaafoow DAAWO

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha GudahaHargeysa, 20, April 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo maanta shir’ jariid ku qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa uu sheegay in ka Dawlad ahaan ay la yeesheen shirar ilaa hada socda oo lagu xoojinayo xidhiidhka wadamada jaarka iyo isku gudubka xuduudaha oo ay tariibtu kamid tahay wadama jaarka oo ay Ethiopia ugu horeyso .

Shirarkan oo horaantoodu ka bilaabantay Borama imikana ay ka socdaan Gabiley iyo Ethiopia dhexdeeda.

Ugu danbayntii Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa ugu baaqay dhamaanka goobaha waxbarashada, waalidiinta, waxgaradka bulshada iyo xarumaha warbaahintaba iyo dhalinyarada ka wacyi galiyaan aafada tahriibtu ay leedahay.

Comments are closed