|

Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Dalka Masar Oo Weli Ku Adkaysanaya In Ay U Tahriibaan Qaaradda Yurub

Qaahira, 20,4,2016 (QJ/SDN) – Soomaalida tahriibka u joogta dalka Masar gaar ahaan magaalada Qaahira kuwaasi oo hadda u diyaarsan in ay u baxaan dhanka qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Talyaaniga ayaa weli ku adkaysanaya in ay ka gudbi doonaan biyaha badda Midhatareeniyaanka ee u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar halkaasi oo todobaadkan ay ka dhacday musiibo ay ku halaagsameen dad tiro badan oo Soomaali ah.

Muuqaallo laga soo duubay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan  dalka Masar gaar ahaan magaalada Qaahira kuwaasi oo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa waxa ay ku sheegeen in aanay ka laaban doonin go’aankoodii ahaa in ay tagaan qaaradda Yurub oo ahayd Yoolka ama se hadafka qudha ee ay u yimaadeen dalka Masar.

Mid ka mid ah dhalinarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Qaahira isla markaana u diyaar ah in uu u tahriibo Qaaradda Yurub oo lagu magacaabo Xamse ayaa sidan yidhi: ‘’Dadka dhintay qof weliba hadaf ayuu usoo baxay, naftuna meel ay ku geeriyoonayso ILLAAHAY baa yaqaanna, markaa in aan anigu waddankii ku laaban doono ma garanayo, laakiin waxaan ku rajo waynahay in aan gudbo oo aan usii gudbo waddanka Talyaaniga haddii ALLE ka dhigo oo aan todobaadyada soo socda u gudbo talyaaniga ayaan ku rajo weynahay, wixii dhintayna ILLAAHAY ha u naxariisto anagana ILLAAHAY ha na nabad galiyo ayaan leeyahay, laakiin aniga marnaba lagama yaabo in aan hadafkayga ka laabto, go’aankii aan kusoo baxay maalinkii aan waddankayga kasoo baxay ayaan illaa hadda ku taaganahay, insha Allaah illaahay khayr ayuu ka dhigi doonaa. ILLAAHAY waa xaq-soore, ILLAAHAY intaas oo soomaaliyeed oo uu maanta naga dilay uma malaynayo in uu naga daba gaynayo anagana, Illaahay waa caddaali markaa waxaan leeyahay insha Allaah ilaahay hanaga dhigo kuwii nabad taga, kuwaa kalana illaahay ha u naxariisto,.’’ Ayuu yidhi Xamse oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Qaahir.

Sidoo kale waxa iyaguna fikir kaas la mid ah sheegay dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed kuwaasi oo iyaguna ku sugan isla magaalada Qaahira oo raba in ay u kicitimaan dhankaas iyo qaaradda Yurub.

Ugu danbeyntii, Todobaadkan ayuun bay ahayd kaddib markii ay degtay dooni la sheegay in ay saarnaayeen ku dhawaaad 500 oo ruux oo u badan Soomaali, kuwaasi oo kusii socday dalka Talyaaniga, wallow dhammaan dadkii doontaasi saarnaa ay geeriyoodeen marka laga soo tago tiro kooban oo ka bad-baaday musiibaddaasi.

Comments are closed