|

“Dawladda WADDANI waxa u qorshaysan in ay hawl-geliso xoogga iyo maskaxda dhallinyarada miyi iyo magaalaba si ay dalkooda u dhistaan” Xisbiga Waddani

Hargeysa 19,April,2016 (SDN/QJ):-Xisbiga Waddani waxaa uu soo saaray   qorshaha ay ku hagi doonaan  dhalinyarada Somaliland marka ay ku guuleystaan tartan doorashada madaxtooyada ee 2017ka.

waddaniWar kasoo baxay xafiiska warbaahinta Xisbigaasi ayaa u dhignaa sidan:-

DHALLINYARADA

 

Dawladda WADDANI waxa u qorshaysan in ay hawl-geliso xoogga iyo maskaxda dhallinyarada miyi iyo magaalaba si ay dalkooda u dhistaan.

 

Dhallinyarada iyo Siyaasadda

 

Xisbga WADDANI waxa uu hore hormuud uga noqday jebinta dabarkii sharci ee da’da ee ka hor-taagnaa dhallinyaradu in ay ka qayb noqdaan golayaasha degaanka ee dalka. Sidoo kale, Xisbiga WADDANI waa xisbigii ugu horeeyey ee qabtey shirweyne dhallinyaro oo ay ka soo qayb-galeen ergooyin isaga kala yimid dhammaan gobollada dalka.

 

Dawladda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

 

  • Xisbiga WADDANI mar kale ka go’an in uu dhallinyarada ka hor-qaado dabarka da’da ee dastuuriga ah ee ka hor-taagan ka-qayb-galka Golaha Wakiilada, isaga oo u maraya dariiqa wax-ka-beddelka dastuurka
  • In quwadda dhallinyaradu ay si mug leh uga muuqato Dawladda Xisbiga WADDANI
  • In uu dhiirri-geliyo ka qayb-galka dhallinyarada ee xisbiyada siyaasadda WADDANI ahaanna tusaale ugu noqdo.

Dhallinyarada iyo Dhaqaalaha

 

Xisbiga WADDANI waxa uu rumeysan yahay in khayraadka ugu badan ee uu dalka JSL leeyahay yahay dadkiisa kaas oo 70% ay tahay dhallinyaro ah xoog iyo maskax cusub oo dalkan dhisan kara, lana jaan-qaadi kara dhiggooda caalamka

 

Dawladda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • In loo qoonteeyo 40% shaqooyinka dawladda ka soo baxa iyo kuwa mashaariicda deeq-bixiyeyaashaba iyo in shaqooyinka muwaadiniintu qaban karayso aan debedda shaqaale looga doonin
  • Dhismaha xarumo kaalmeeya hirgelinta mashaariicda iyo hal-abuurka dhallinyarada oo magaalo-madaxda gobol kasta ku yaalla, oo ka taageerta dhalinyarad warsiinta iyo isku-xidhka shirkadaha waaweyn, tababarka, diyaarinta qorshaha mashruuca, qiimaynta sida uu midho-dhal u noqon karo iwm,
  • Dhiirri-gelinta mashaariicda ganacsiga ICTga ku dhisan sida: xarumaha Internet-ka, dugsiyada computerka lagu barto, baraha daabacaadda, xayeysiisyada, sub-stationada shirkadaha isgaadhsiinta meelaha aan lahayn, xarumo loogu adeego bulshada tuulooyinka iyo meelaha ka durugsan suuqa weyn,
  • Dhiirri-gelinta mashaariicda ku saabsan wax-soo-saarka gudaha, sida xoolaha, beeraha, kalluumaysiga iyo Xabkaha,
  • Dhiirri-gelinta hal-abuurka iyo curinta technoolajiyada, wax-soo-saarka iyo adeeggaba,
  • Dhismaha xarumaha dhallinyarada iyo kulanka dadweynaha ee xaafuduhu leeyihin (community centres),

 

Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Dawladda Xisbiga WADDANI waxay mudnaan siineysaa horumarinta ciyaaraha kala duwan iyo ku baahinta dalka gobolladiisa oo dhan si loo dhiiri-geliyo dhallinyarada hibada u leh, isla markaana loo xaqiijiyo is-dhex-galka bulsho iyo ku-dhaqanka tartanka xalaasha ah.

 

Dawladda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

 

  • Tayeynta Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada si ay u fuliso hiigsiga qaranka ee ka-qayb-galka ciyaaraha heerka dunida,
  • Horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri-gelinta naadiyada gaarka loo leeyahay,
  • Isku-xidhka shirkadaha waaweyn iyo naadiyada ciyaaraha si ay u maal-geliyaan ciyaartoyga soo baxaya ee tartammada goboleed iyodunidaba hiigsan kara,
  • Dhiirri-gelinta iyo kobcinta ciyaaraha wareegyada: qaran, gobollada, degmooyinka iyo dugsiyadaba,
  • Maal-gelinta xarumaha isbootiga sida: garoommada, istadiyamyada iyo xarumaha ciyaaraha fudud,
  • Dhiirri-gelinta qaybaha kala duwan ee ciyaaraha kala duwan oo dalka lagu baahiyo,
  • Dhismaha iyo hawl-gelinta xarumo lagu tababaro ciyaartoyga, tababarayaasha iyo garsoorayaasha ciyaaraha,
  • Samaynta kooxo qaran (National Teams),
  • Dhiirri-gelinta in qurbajoogguay taageeraan horumarka ciyaaraha, waayo-aragnimana u keenaan oo la mataaneeyo magaalooyinka Somliland iyo kuwa adduunka,
  • Marti-gelinta iyo ka-qayb-galka ciyaaraha gobolkeena, afrika,  iyo kuwo caalamkaba,

 

TAHRIIBTA:

WADDANI wuxu tahriibta u arkaa dhibaato weyn oo qaranka la soo deristay, waxaanu siinayaa fiiro gaar ah sidii uu maaro ugu heli lahaa. Dawladda Xisbiga WADDANI waxa kale oo ay tahriibta u aqoonsan tahay nooc ka mid ah ka-ganacsiga bini-aadamka. Keliya ma ah in ayu luminayno khayraadkeennii ugu qiima badanaa oo ah da’yartii weliba wax la baray ee waa tacluus qaranka ku habsatay oo caafimaadkiisa guud samayn xun ku leh. Maalin walba oo ina soo marta ama reero ayaa geeriyeysan oo lumiyey kuway jeclaayeen, ama qaar baa safar qasab ah ugu tallaabaya dalalka deriska ah si ay war uga helaan ehelkooda iyo carruurtooda tahriibtay. Qaar kale ayaa iyana la kacaa-kufaya in ay uruuriyaan madax- furashada uu soo dalbadayy “Ma-gafe”. Sidaa darteed, waxaynu nahay qaran ku jira diiqad joogta ah (nation in distress).

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Maxkamadaynta ciddii lagu helo denbiyo la xidhiidha tahriibka iyada oo adeegsan doonta sharciga dalka iyo kuwa caalamiga ahba,
  • Samaynta Komishan ka mas’uulah baadhidda denbiyada tahriibta bilaw ilaa dhammaad, si loo soo saaro siyaasad cad oo ku wajahan ka-hortagga denbiyadaas. Sidaasoo kale, waxa la samayn doonaa diiwaanka (database) lagu keydiyo dhammaan dadka la waayo. Waxaa iyana macluumaad buuxa laga uruurin doonaa cid kasta oo ku lug ku leh soo-xero-gelinta dadka tahriibaya, dadka baabuurta ku qaada, dadka guryaha lagu qariyo leh, dadka lacagta madax-furashada u kala qaada iyo cidda aakhirka denbigan ka faa’iidda ee dadka dhiiggooda ka ganacsata,
  • Samaynta wacyi-gelin ballaadhan oo dhallinyarada ah, waxa warbixinno laga uruurin doonaa dadkii tahriibey oo hubaashii dhex-galay badweynta dhaqammada shisheeye ee dhibaatooyinku ku habsadeen,
  • Waxa la samayn doonaa qorshayaal badbaado oo ka-hor-tag ah, weliba xilliyada dhallinyaradu ay u heellanaan karto tahriibka (early warning system),
  • Dhismaha rajo iyada oo uu WADDANI ugu noqon doono tusaale isla markaana dhallinyarada lagu jihayn doono dhismaha qaranka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee bulshdada taas oo abuuri doonta dareen iyo tamar cusub oo is-beddel,
  • Qaban-qaabada kulammo iyo shirar dhallinyaradu u gaar ah oo ay kaga doodaan aafada tahriibta: sababaha iyo sida loo maarayn karo,

 

 

Comments are closed