DHAGEYSO: Murashax Maxamed Xassan Finad Oo Sheegay In Cidda Kaliya Ee Wax laga Waydiin Karo Mashruuca Banka Qool-cadey ay tahay Dadka Deegaanka
Hargeysa, 19,4,2016 (QJ/SDN) – Musharax Maxamed Xasan Xaashi [Finad] oo ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada Aqalka barlamaanka Somaliland ayaa sheegay in mashruuca banka qool-caday cidda kaliya ee wax laga waydiinayaa ay tahay dadka deegaanka ee halkaasi ku dhaqan, isagoona sheegay in haddii xukuumadda Somaliland ay wax u qabanayso dadkaasi ay u baahanyihiin in wax loo qabto.
Murashaxu waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrinka banka wax la waydiiyo dadka deegaanka, inkastoo uu sheegay in aanay hadda ahayn wakhti ku habboon in banka laga hawl-galo maadaama dalka iyo deegaankaba ay kusoo fool leedahay diiwaan-galintii codbixiyayaashu.
Haddaba, Halkan Hoose ka dhagayso shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay murashaxu magaalada Hargeysa.