|

DHAGEYSO: Guddida Guud Ee Beesha Abokor Muuse [Talo-Wadaag] Oo Ay Weheliyaan Madax-dhaqmeedka Beeshaasi Oo Ka Hadlay Mawqifkooda Ku Aadan Muranka Ka Taagan Xawaalka Waran-cadde

Hargeysa , 18,4,2016 (QJ/SDN) – Guddida guud ee beelaha Abokor Muuse [Talo-Wadag] ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in xubno ka tirsan beesha oo warbaahinta la hadlay 16 April, 2016, kuwaasi oo hadlay muranka ka taagan xawaalka Waran-cadde aanay hadalkaasi ku matalin Beesha Abokor Muuse.

Guddida oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Cuqaasha, Odayaasha iyo Aqoonyahanka, ayaa war-murtiyeed arrintaasi kasoo saaray, iyagoona war-murtiyeedkaasi ku sheegay in magaca beesha ay ku hadli karaan oo kaliya guddida guud iyo xubnaha madax-dhaqmeedka oo ka kooban Cuqaasha iyo Salaadiinta.

Haddaba, waxa ugu horreyn warbaahinta la hadlay guddoonmiyaha guddida Talo-Wadaag Xassan Yuusuf Ismaaciil isagoona sheegay in aanay afka beesha Abokor Muuse ku hadli Karin cid aan loo igman, isagoona hadalkii xubnahaasi kasoo yeedahy raali-galin ka bixiyay,

Sidoo kale, waxa isna halkaasi warbaahinta uga akhriyay War-Murtiyeedka ay soo saartay guddida guud ee Beesha Abokor Muuse Afhayeenka Guddidaasi Maxamed Axmed Mixille,

Dhanka kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madax-dhaqmeedka beesha Abokor Muuse oo ay ka mid ahaayeen; Caaqil Maxamed Weerar Cismaan, Caaqil Aabi Xasan Cabdi iyo Oday-Dhaqmeed Maxamed Diiriye Cige.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Guddida Talo-Wadaag iyo Madax-dhaqmeedka

War Murtiyeed:-

Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse  waxay u igman tahay ku hadalka iyo matalida beelaha Abokor  dhinacyada Siyaasada  iyo Horumarka. Waxaa kale gudiddu u xilsaaran tahay  go,aan ka gaadhida wax kasta oo  Beesha la soo gudboonaada, isla markaana waa awooda kaliya ee ku hadli karta magaca Beesha, sida lagu go’aamiyey shirkii Talowadaag ee ka dhacay degmada Sallaxley 27–28  bishii August 2015.

Haddaba, Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse, waxay halkan ka caddaynayaan  in xubno ka mid ahaa  Beesha oo Sabtidii April 16th, 2016 warbaahinta qaarkood tebisay shirjaraa’id oo ay qabteen, kagana hadlayeen muran ka dhashay Xawaalka Warancadde aanay go’aankaas iyo hadalkaas midna ku metelin beeshayada.

Waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa in magaca iyo afka Beesha ay ku hadli karaan oo keliya Guddida Guud iyo xubnaha hoggaan dhaqameedka oo ka kooban Cuqaasha iyo Salaadiinta.

Anagga Beel ahaan, door aan qaboojin ahayni noogama banaana muranka la sheegay inuu ka soo cusboonaaday xawaalka Warancadde, gar aan guurti lagaga dhigina garsoore lagama noqdo.

Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa walaaladayada beelaha Ciidagale, walaaladayada beesha Isaxaaq, maamulka degmada Sallaxley iyo xukuumadda dhexe ee Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, in xal nabad ah oo walaaltinimo lagu dhameeyo wixii khilaaf  ka jira goobtaas, iyadoo aanu ognahay in marar horeba xal wadajir ah laga gaadhay.

Wa billaahi Tawfiiq

Guddoomiyaha Guddida Abokor Muuse  ee Talowadaag

Xassan Yuusuf Ismaaciil,     

Taariikh: 18/04/2016

102_6624

102_6623102_6628102_6634102_6639102_6640102_6641102_6644102_6647102_6657

Comments are closed