|

Guddoomiye C.raxmaan Cirro oo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku dhaliilay Dhalinyarta Badaha ku dhimanaysa

Hargeysa,19,April,2016 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaradka ah  ee WADDANI ayaa munaasabad soo dhaweyn ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey tageerayaal tiro badan oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,kuwaas oo ay kamid ahayeen Siyaasiyiin,  Haween ,dhalinyaro, wax-garad, aqoonyahan iyo madax-dhaqameedyo kala duwan oo ka soo jeeda Gobolada Buuhoodle , Sool, Xaysimo iyo Sanaag.

Cabdiraxmaan cirroMunaasabadan soo dhaweynta oo ahayd mid aad uu heersaraysa ayaa ka qabsoontey Maanta huteelka maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa,waxaana ka soo qayb-galay hoggaanka Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiinta kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI & weliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan,iyadoo ugu horeyn Xafladan  lagu bilaabay quraanka kariimka ah, waxaanu ku xigtey heesta qaranka Somaliland,waxaana intaa ka dib madashaasi ka haddlay qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI,waxaanay xuseen in ay ku faraxsanyihiin in ay maanta xisbiga ku soo biireen madax-dhaqameedkii iyo haldoorklii beesha Dhulbahante.

Sidoo kalena waxa isna halkaasi ka haddlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee G/Buuhoodle Md Fu’aad”Maalintii aan Xisbiga WADDANI geynayey Buuhoodle waxaan ahaa nin keliya maantana waxaan ahay iyo sawirka baxaya waad arki karaysaan.

Dhanka kalena waxa iyana halkaasi ka haddlay xubno ku haddlayey afka taageerayaasha Xisbiga WADDANI ku soo biirey ee ka soo jeeda deeganada Buuhoodle iyo Sool,waxaanay balan-qadeen in ay taageero hiil iyo hooba la garab istaagi-doonan Xisbiga WADDANI oo ka ku tilmaameen inuu yahay Xisbiga rajada midnimad qaranka Somaliland.

Gunaanadkii  munaasabad  ayaa waxa ka haddlay Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO,isagoo sheegay in uu maanta aad ugu faraxsanyhay in ay Xisbiga WADDANI ku soo biiraan tageerayaal  Siyaasiyiin haween, dhalinyaro  iyo madax-dhaqameed,kuwaas oo ka soo jeeda  Gobolada  Sool, Buuhoolde ,Xaysimo Iyo Sanaag ,waxa kale oo guddoomiye ugu baaqay shacabka goboladaasi in ay is-diwaangeliyaan.

Geesta kale guddoomiye CIRRO,ayaa sheegay in xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku guul darreysatey inay wax ka qabato tahriibka sii kordhaya,waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya ”Tahriibku waa mushkilad qaran oo ubaahneyd inaynu talo badan iyo  xal laga gaadho,Xukuumadda KULMIYE berigii ay xukunka dooneysey waxay odhnan jirtey ha tahriibin walaal UDUB-na  wey tegeysaayee,laakiin lix sannadood kaddib tahriibkii waxaad moodaa inuu ka sii darey oo majaraha”Ayuu yidhi

Comments are closed