Marwo Amran Maxamed Axmed oo shaacisay inay u sharaxan tahay ka mid noqoshada golaha Barlamaanka Somaliland,Kulan balaadhan oo ka dhacay London+Sawiro
London18April16(SDN/QJ)Waxa kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen badida bulshada qaybaheeda kala duwan,Haween,Aqoonyahan,Dhalinyara,Salaadiin iyo qaar ka mid ah xisbiyada Qaranka Somaliland,Madax ka tirsan Somaliland. Xafladan oo ku saabsaneyd shaacinta ka qayb qadashada golaha barlamaanka Somaliland Marwo Aqoonyahanad Amran Maxamed Axmed.kulanka oo lagu furay ayaadaha Quraana waxa ugu horeyn ka hadlay dadkii soo abaabulay oo aad uga mahadceliyey kasoo qayb galka kulanka shaacinta ka mid noqoshada golaha Barlamaanka Somaliland ee 2017 la dooran doono.hadleen Salaadiin,Aqoonyahano,qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa dhamaantood ku booriyey kuna tageeray in Amran Maxamed Axmed hankeeda soo bandhigto ,waxayna muujiyeen in ay Marwo Amran Maxamed Axmed tahay aqoonyahanad qayb weyn ka qaadatay arimaha Bulshada,horumarka iyo ka shaqeynta hawlaha qoysaska dalka Ingiriiska ku nool.Kulanka ugu danbeyntii waxa ka hadashay Marwo Amran Maxamed Axmed oo ka warantay tariikh nololeedkeeda oo kooban iyo waxay ay ka damacsan tahay siyaasada Amran waxa kale oo ay sheegtay in ay ka sharaxan tahay gobolka Togdheer ayna waxweyn ka qaban doonto gobolka iyo dhamaan Somaliland si sinaan iyo cadaaladi ku jirto Hadii Illahay yidhaahdo .
M