Muxuu Cabdillaahi Yuusuf Ka Yidhi Isku-Dayga Af-Gambigii Saraakiisha Reer Woqooyiga Ee Sanadkii 1961? DAAWO
London 18.April 2016 (SDN/QJ):- Kornayl Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Hogaamiyihii hore ee SSDF, Puntland iyo dawladda Soomaaliya waxa uu buuggiisa HALGAN iyo HAGARDAAMO cutub ka mid ah kaga hadlayaa aragtidiisa iyo xusuus qorkiisa ku aaddan Af-gambigii saraakiishii reer Woqooyiga ahaa kula kaceen dawladdii is-raaca Somaliland iyo Soomaaliya ee lixdankii dhalatay kadib saluug shacabka reer Somaliland ay markiiba ka muujiyeen qaabkii ay u dhacday awood qaybsiga midnimadu iyo in ay is tuseen in xorriyaddii Somaliland god madaw ku dhacday. Cabdilaaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu buuggiisa kaga hadlayaa dhacdadaasi, innaga oo sidiisa u soo qaadan doona qaabka uu buuggiisa ugaga hadlay af-gambigaasi, waxaanu u dhigay sidan:
“Dammaashaadkii Xorriyadda iyo Midnimada oo aan wali dhammaan, laguan gudo jiro tallaabooyinkii lagu dhisayay hab-maamulka dalak mideeya, kaas oo looga dan lahaa in looga gudbo labadii maamul ee ka kala jiray Soomaaliya iyo Soomaaliland, ayaa subaxdii 20-kii Diisambar 1961-kii lagu waaberiistay dhacdo lama filaan ah oo weliba aan looga fadhiyin dhinaca Woqooyi. Dhacdadaasi foosha xumi waxa ay ahayd isku day afgambi oo saraakiil dhallinyaro ah iyo saraakiil xigeenno reer Woqooyi ahi ku tallaabsadeen, taas oo ay u qaadeen in ay ku kala gooyaan Jamhuuriyaddii shalay la isku daray.
Saraakiishaas waxa hormuud u ahaa Xasan Cabdille Walanwal (Xasan Keyd) iyo Cabdilaahi Koongo oo kala joogay Hargeysa iyo Burco. Xilligaasi Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ku jiray dhismo oo wali ma yeelan wardoon la isku hallayn karo yo qalabkii loo baahnaa ee lagula socon karayey guud ahaan dhaqdhaqaaqa waddanka waddanka ka jira iyo gaar ahaan kuwa ka jiray ciidamada dhexdooda. Waxa yaab ah, ma jirin wax tuhun ah iyo wax shaki ah oo laga dareemay abaabulka dhallinyaradaasi ugu jirtay sidii ay dalka u kala goyn lahaayeen. Mararka qaarkood way jireen hadallo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanku igula kaftami jireen, waar taliye maxaad fasax u qaadan wayday oo sida saaxiibkaa Maxamed Nuur Baarqab, Muqdisho u aadi wayday. Hadallada noocaasi ah oo kale waxba kamaan dareemi jirin oo wax shaki ahi naguma jirin. Maxaa yeelay maskaxdayada way ka waynayd in dad miyirkoodii qabaa xilligaas isku dayi karayeen falal noocaasi oo kale ah.
Dhacdooyinkii isku dayga Af-gambigu waxa ay u dhaceen sidan soo socota:
– Laba Xiddigle Cabdilaahi Koongo oo ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa oo Af-gembiga ka dambeeyey ayaa ku soo noqday Magaalada Hargeysa, kadib markii uu in muddo ah safar dibadda ugu maqnaa. Magaalada Hargeysa waxa uu kula kulmay Laba Xiddigle Xasan Keyd oo hawsha kula jiray, Hargeysana abaabulka ka waday iyo Cawil Xaaji Cali oo hawsha Berbera ka socodsiinayey.