Taliyihii Ciidamada Cirka Dawladdii Siyaad Barre Ee Hargeysa Duqeeyey Oo Sheegay In Ay Dambigaasi La Qabaan Rag Maanta Xilal Ka Haya Somaliland DAAWO
Garoowe 18.April 2016 (SDN/QJ):- Taliyihii Ciidamada Cirka Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee sannadihii Siddeetamaadkii duqaynta ballaadhan ku burburiyey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Gaashaanle Sare KhaliifCiise Mudan ayaa qirtay in uu isagu ahaa masuulkii hogaaminayay ciidamadii Cirka dawladdii Siyaad Barre ee Hargeysa duqeeyey sidoo kalena sheegay in aanu isagu masuuliyadda weerarkaasi kalidii lahayn ee ay xataa rag maanta Madax ka ah dawladda Somaliland ay wax kaga jireen tallaabaasi inkasta oo aanu magac dhabin.
Siyaasi Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland xilal kala duwanna maamulkaasi ka soo qabtay ayaa barnaamijka Deparani Show ee ka baxa Telefishanka Somali channel waxa uu ka sheegay in uu isagu ahaa masuulkii hogaaminayey ciidamadii cirka Soomaaliya ee duqaynayay Hargeysa oo uu amar ku hastay maadaama uu ahaa sarkaal gudanayay waajib qaran sida uu hadalka u dhigay balse aanu isagu shakhsi ahaan ficilka duqaybnta gacantiisa ku gaysan ee ay gaysteen Askartii ciidmada Cirka ee uu maamulayay oo isugu jiray siduu sheegay cid walba isaga oo xusay in ay xataa ka mid ahaayeen rag uu sheegay in ay wakhtigan ka mid yihiin madaxda dawladda Somaliland.
Wariye Jaamac Dabaraani oo ah soo saaraha barnaamijka masuulkan lagu waraystay ayaa wax ka waydiiyey wuxuu kaga jawaabayo eedo shacabka reer Somaliland u hayaan iyaga oo ku eedaynaya in uu ahaa Taliyihii Duqeeyey Magaalada Hargeysa sannadihii dagaaladu ka qarxeen Somaliland waxaanu Khaliif Ciise Mudan su’aashaasi kaga jawaabay sidan:
“Taasi ma jirto. Waxaanay u jirin waa la yaqaanaa oo taariikh bay lahayd. Laakiin ciddii dawladda ku jirtay oo dhammi dagaalkaasi way ka qayb gashay haddii la odhanayo waad ka qayb gashay. Nimaan ka qayb galini ma jiro. Kuwa hadda madaxda ka ah Somaliland baa ku jiray. Kuwo aan maanta xil ka hayn baa ku jiray oo u dhashay woqooyi. Laakiin hawlgal ahaan qof ka qayb galay anigu maan ahayn. Laakiin dawladda ayaan ku jiray anaa maamulayay. Saldhigga cirka ee Balli-doogle ayaan markaa jooogay saraakiishayda ayaa soo dirayay oo amar dawladeed baan qabay oo ay iyana ku soo baxayeen”.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiin badan oo xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray ah ayaa lagu eedeeyaa in ay qayb ka ahaayeen dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii dadka reer Somaliland loo gaystay kuwaasi oo halkii ay ka ahaan lahaayeen tuke baal cad haddana taa baddalkeeda xilal kala duwan loogu cimaamaday. Mar kasta oo shacabka reer Somaliland isku dayaan in ay dibadaha ku baacsadaan maxkamadona la tiigsadaan raggii gabood fallada geyigan ka gaystay waxa doodi ka soo noqotaa in rag badan oo dalkan u dhashay oo dambiyadaasi qayb ku lahaaba geyiga joogaan waliba qaarkood xilal loo dhiibo.