|

Garabka Murashax Jamaal Cali Xuseen oo Si Rasmi ah Maanta u Gudbiyey Dacwad ka dhan ah Gudoomiye Faysal DAAWO

Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa maanta dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Waxay u Gudbiyeen Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka.

Dacwadan ayaa ka dhalatay Khilaafka Xisbiga Ucid ka dhex oogan kadib markii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu Shaaciyey inaanu Jamaal Cali Xuseen Ahayn Murashaxa Rasmiga ah ee Xisbiga Ucid Isla markaana uu Sheegay inuu Xilkii ka qaaday Gudoomiye ku Xigeenkiisa.

Comments are closed