|

Khatarta Dooxyada Waaweyn ee Somaliland iyo Xili Roobaadka iyo Hakadka ay amuurtaasii ku Keentay dadkii Isaga kala Gooshayay Gobolada

Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):-Roobab Aad u culus ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Guud ahaan Somaliland gaar ahaan Gobolka Gabiley,waxaanay roobabkaasi daadadkii ay soo rogeen Reer Gabiley u gaysteen khasaare aad u culus,iyadoo Shalay Galinkii hore Cisbitaalka Magaalada Gabiley la keenay meydka Wiil Qaan-gaadh ah oo laga soo helay Meel cidlo ah oo daadkii Roobkii Habeen hore ka da’ay ee soo qaaday uu ku tuuray.

Photo File

Photo File

Sid ay noo xaqiijiyeen Hawl wadeenada Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Gabiley oo aanu Khadka Telefanka kula xidhiidhnay,waxa shalay Galinkii hore la keenay Cisbitaalka Gabiley Alle ha unaxariisteen Meydka Wiil da’diisa ay ku sheegeen inay u dhexayso 16-jir illaa 19 jir oo laga soo qaaday meel u dhexaysa Kaantaroolka Magaalada Kalabaydhka iyo lafta Boqor oo tilmaan ahaan koonfur Galbeed ugu toosan Magaalada Gabiley oo lagu magacaabo Hijiwaaji,halkaas oo uu maro Doox Biyo Mareen ah oo aad u weyn, kaasi sida la sheegay Daadkiisu wiilkaasi qaaday dabadeedna ku tuuray Goobta laga soo helay Meydkiisa oo isla Dooxaasi uun ku dhex taala.Wiilkaasi dhalinyarada ah ayaan si fiican loo aqoonsan waxaanu Meydkiisu Illaa Xalay yaalay Cisbitaalka Gabiley.

Dhinaca Kale Waxa Uu Dooxa Huluuq ee Degmada Arabsiyo qaaday Gaadhi Noah Ah oo rakaabka ka soo qaaday Magaalada Gabiley waxaana Alle ha unaxariistee Gaadhigaasi ku dhimatay Gabadh lagu magacaabi jiray Deeqa Muuse Cilmi oo ka mid ahayd Ardayda Dugsiga Sare ee Gabiley. Waxa Maydkii Gabadhaasi la geeyay Shalay Galabnimadii Cisbitaalka Weyn ee Gabiley,halkaasi oo uu sii yaalay Meydka kale ee aan haybtiisa la aqoonsan ee isna Daadadkii habeen hore dileen.

Sidoo kale Waxa Habeen hore fiidkii dirqi lagaga soo reebay oo laga soo badbaadiyay dooxa Dhinaca Woqooyi ka mara Magaalada Gabiley Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi “Cali Case” iyo Afar Masuul oo kale oo ay kawada shaqaynayeen Taakulaynta Abaaraha Gobolka Gabiley,isagoo daadkaasi gaadhigii ay wateen Masuuliyiintaasi baabiiyay oo bool bool u furay. Waxa Habeen hore illaa Xalay aad u socday Dooxyada Galbeedka Somaliland oo aan lahayn biriish biyaha lagaga talaabo kuwaasi oo xanibay Guud ahaan isku socodkii caadiga ahaa.

Waxa dooxyada Qaar Xukuumaddu dul dhigtay Ciidamo gaar ah oo gacan deg deg ah ka gaysta wixii khasaare ah ee ka dhacay Dooxyadaasi,iyagoo ciidamadaasi Dooxyada aadka u socda u diidayay gaadiidka isku daya inay xoog kaga gudbaan taasi inta badan khasaare nafeed keenta.

Comments are closed