|

Dhalinyaro reer Boorama ah oo Bah-dilaad u gaystay calanka iyo Qaranimadda Somaliland iyo Ciidamada Bilayska Somaliland oo Waajibkooda ka gutay DAAWO

Borama 17.April 2016 (SDN/QJ):- Muuqaalo layaableh oo aad loogu bahdilay Jiritaanka Qaranimadda Somaliland oo laga duubay Kooxo Dhalinyaro reer Boorama ah ayaa shalay lagu baahiyay Baraha Bulshadda ku xidhiidho,waxaana sida la sheegay mid ka mid ah kooxdaasi dhalinyarta ah xabsiga u taxaabay Ciidamada Bilayska Magaalada Boorama iyagoo intii kalena ku daba jira soo qabashadooda ,waxa si weyn bulshada Somaliland wax iskaga waydiisay sababta iyo waxa wakhtigan keenay in Dad Mihnad warbaahineed ku shaqaysanayaa ay muuqaalo noocaasi ah oo kale ah ugu dhiiradeen inay duubaan.

12994494_838583902936253_995871095949560687_nQaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Soo tabiya ee Magaaladda Boorama ka hawlgala oo ay ugu horayso Boramnews ayaa muuqaaladani ku baahiyay Barahooda,waxaanay arintani si weyn uga cadhaysiisay inta badan shacabka Somaliland ee arkay islamarkaana daalacday muuqaaladani oo aad uga fog xaqiiqada islamarkaana muujinaya cadaawada guunka ah ee dad Somaliland ku dhex dhaqani u hayaan Somaliland.

 

Wiil reer Boorama ah oo wariye ah oo markii dambe ciidamada Bilaysku xabsiga dhigeen ayaa muuqaaladani ka soo dhex muuqday,isagoo Dhalinyarani oo reer Boorama ah waydiinaya heesta Calanka Somaliland iyo Soomaaliya,islamarkaana intaa u sii dhaafaya inay kala sheegaan ta ay hayaan ee ay ku heesi karaan,iyagoo dhalinyartaasina ugu jawaabaya hadalo deelqaaf iyo meel ka dhac ku ah Qaranimadda Somaliland,waxa ay qaarkood si jees jeesleh ugu hal celinayaan inaanay Somalilandba aqoon islamarkaana aanay maqal Hees loo sameeyay,iyagoo ku xumayn awgeed waynaynaya Heesta Calanka Soomaaliya.

 

Waxa ka mid ah Hadalada Lafjabka ah ee wariyahani dhalinayartan ka duubay ee la soo galiyay Baraha Wararka Boorama “Heesta Calanka Soomaaliya Waan garanayaa Laakiin Somaliland inay jirtaba ma anaa u haysta”.

Kooxdan dhalinyarta ah ayaa u muuqday qaar la sii diyaariyay waxaanay kuwada jawaabayeen Kalmado isku mid ah oo ah Somaliland ma naqaano,sidoo kale barnaamijkan iyo wariyahan ayaa iyaga laftooduna ahaa qorshe meel kale laga soo diyaariyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland.

Ciidamada Bilayska Somaliland ee Magaalada Boorama ayaa talaabo Geesinimo leh kaga hortagay Shirqoolkaaasi islamarkaana ninkii Waxaasi bulshada ka duubay Xabsiga dhigay halka ay Ciidamada Baadhisto ku daba jiraan cidii Qorshahani ku lug lahayd oo dhan oo loo malaynayo inay ku jiraan farogalin dibadeed oo hawshani dibada hagaysay.

Comments are closed