Hay’ada Cunnada Aduunka FAO oo Sheegtay In Caawinayso Dadkii Ay saameynta Taban ku yeelatay Abaartii ka dhacday Somaliland
Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Hay’ada Cunnada aduunka FAO ayaa sheegtay in ay caawinayso 6000 (Lixdan kun ) qoys oo ay xoolihii iyo beerihii kaga dhamaadeen abaaraha iyo roobabka ka jiray Gobolo ka mida Somaliland.
Hay’adu waxaa kale ee ay sheegtay in ay xoolo siinayaa dadkaasi xoolahooda ku waayay abaartii dalka ka jirtay, waxaa kale oo ay haayadu sheegtay inay caawinayaan beeralayda si ay dib u soo saaraan dalagyadii ay beeran jireen ee kaga baaba’ay abaarta.
“Waxaa ay noo balan qaadeen in ay xoolo tiro badan talaali doonaan, iyadoo ay xoolo badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’weyntii xoolaha” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo soo xiganayay qodobo ay isla qaateen wakiilka Haayada FAO u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale, wakiilka Haayada FAO Mr Richard Trenchard ee Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegay in xaalada Cunto la’aaneed ee aduunku ay sii badanayso qaaxoontiguna uu aad u batay , iyada oo ay taasi jirto ay Somaliland ka caawin doonaan sidii ay uga soo kaban lahayd saameynta ay kaga tagtay abaarta saameysay Xoolo dhaqatadii iyo Beeralaydii.
Wakiilku waxaa uu madaxwayne ku xigeenka ku wareejiyay 6100 Dollar, lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha haayada FAO ee Somaliland isagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada xoolaha ee Somaliland.