|

BOORAMA: Wariye Maalinkii Labaad Xabsiga Ku Jira

Boorama, 16,4,2016 (QJ/SDN) – Maxamed Cilmi Jaray oo ah wariye madax-bannaan oo ka hawl-gala warbaahinta gobolka Awdal ee Somaliland ayaa maalinkii labaad ku xidhan xabsi ku yaalla magaalad Boorama.

Wariyahan ayaa xadhigiisa lagu sheegay in ay ka danbeysay kaddib markii uu wareystay dadweynaha reer Boorama isla markaana uu weydiiyay heesta calanka Soomaaliya halkaasi oo dadkii uu waydiiyay ay ka qaadeen heesta calanka Soomaaliya ee ‘’Soomaaliyeey Toosoo’’, kaddibna muuqaalka wareysigaasi oo si wayn ugu baahahay baraha bulshada ayaa lagu xidhay wariyahani sida ay sheegayaan wariyayaasha Gobolka Awdal iyo Maamulka shabakadda Booramanews oo uu ka tirsanaa.

Dowladda Somaliland iyo maamulka gobolka awdal weli kama hadlin xadhiga wariyahani, sidoo kale weli kama hadlin ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

jaray

Comments are closed