Baarlamaanka Jermalka oo Ansixiyay in Hawlo Militari ay Ciidamada Dalkaasi Kabilaabaan Soomaaliya iyo Mali
Brusseles, 14,4,2016 (QJ/SDN) – Sida lagu daabacay barta internetka ee wararka ee Sputnik shalay, baarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.
Gaar ahaan ciidamadaa ayaa waxay hawlo militari ka bilaabayaan Mali iyo xeebaha Soomaaliya sida uu sheegay afhayeenka dawlada Jermalka Arbacadii shalay ahayd.
Ciidamada Jermalka ee meelahaa la geynayo ayaa waxaa ay hoos imaanayaan EU ama Midowga Yurub oo dammaanad qaaday ilaa laga gaadho bisha 5aad ee sanadka 2017, waa sida lagu xusay warbixino dawlada dalkaasi Jermalku leedahay.
“Baarlamaanka dalkaa ayaa go’aansaday inuu dheereeyo mudada Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee budhcad badeeda kuwajahayay biyaha badda ee Soomaaliya iyo in [sidoo kale] la taageero Mali,” Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawlada Jermalka ayaa sidaa yidhi.
Bundeswehr oo ah magac kale oo loogu yeedho ciidanka Jermalka waxay roondo ilaalin ah ka wadeen badda Soomaaliya si maraakiibta ganacsiga ay uga badbaadiyaan budhcad badeeda tan iyo sanadkii 2008.