|

Somaliland: Ugu Yaraan Afar Wasaaraddood Oo Maanta U Jawaabay Soomaaliya

Hargeysa, 13,4,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka soo horjeesatey go’aamadii ka soo baxay shirkii Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ee Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo ka hadlaya Xildhibaanada u dhashey Somaliland sida loo soo xulayo.

Go’aammada shirkaasi kasoo baxay ayay dowladda Somaliland sida fiinta uga qaylisay, iyadoo ugu yaraan afar wasaaraddood ay ka jawaabeen go’aammada shirkaasi kasoo baxay.

afar wasaaradood

Waxaana ka mid ah wasaaradaha u jawaabay Soomaaliya; Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay kala hadleen wasiirka wasaaraddaasi iyo ku xigeenkiisa, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Haddaba, wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid [Caddaani] oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sidan uga hadlay shirkii Muqdisho; ‘’Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kama mid noqonin shirarka wada-tashi ee Soomaaliya ee uu ugu danbeeeyay kan hadda Muqdisho ka socday iyo kuwo kaleba, mana jirto cid ku matali kartaa magaca Jamhuuriyadda Somaliland shirarkaasi’’

Wasiiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ku sugan magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa isna War-saxaafadeed uu soo saaray ku yidihi; “Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin . Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah ‘’

Sidoo kale waxa isna go’aammadii shirkaasi ka hadlay wasiirka ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamad Muuse Diiriye oo digniin u diray madax-dhaqmeedka Somaliland in ay ka qayb-galaan shirarka wada-tashi ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa iyaduna warsaxafaadeed kasoo saartay go’aammadii kasoo baxay shirkii wada-tashi ee Soomaaliya wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo sheegtay aanay khusaynin go’aammadaasi Somaliland.

Ugu danbeyntii, marka laga soo tago in wasaaraddahaas iyo masuuliyiintaasi ay ka jawaabeen go’aammadii kasoo baxay shirkii Wada-tashi ee dowladda Soomaaliya uga qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa waxa kale oo ay arrintani ku tusinaysaa is bar-bar yaac ka dhex jira masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, iyadoona arrintani dhaawac ku noqon karta haykalka maamul iyo dowladnimo ee Somaliland.

Comments are closed