|

“Faysal Isaga oo gidaar cidlo ah yaala oo lagaga tagey oon inan yar lagaga tagin oo kaligii ooyaaya ayuu ii yimid” Cali Guray DAAWO

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeena saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha xisbigaasi uu yahay shaqsiga gacantiisa ku baabiinaaya xisbiga UCID waxaana uu yidhi
Cali Guray“Ucid waxaa loo bur burinayaa oo uu Faysal Cali Waraabe qandaraas ku soo qaatey in uu musharaxnimada uu ka qaado Jamaal Cali Xussen oo uu isagu uu noqdo musharax halkaasina waa dhamaadkii Ucid .
Sidoo kale Cali Guray ayaa waxaa uu ka jawaabey eedo uga yimid Faysal Cali Waraabe oo sheegaayey in uu Cali Guray yahay qabyaaladeyste waxaana uu yidhi
” Hadii ay bahashu habeen tirsi tahay Muuse Biixi Iyo Jamaal kee baa aniga i xiga markaas anigu Jamaal Cali Xussen baan la socdaa Muuse Biixna waan ka soo hor jeeda , laba nin oo isku xisbi ah inta uu ka hadlaayo maan raaco Muuse Biixi ileen waa qabyaaladeyste ayuu leeyahay oo aan Jamaal Ka Tago ” ayuu yidhi
Ugu danbeyntii Cali Guray waxaa uu sheegay markii uu xisbiga Yimid in aanay cidna joogin oo uu Faysal dhex fadhiyey gidaar cidlo ah waxaana uu yidhi
“Isaga oo gidaar cidlo ah yaala oo lagaga tagey oon inan yar lagaga tagin oo kaligii ooyaaya ayuu ii yimid waxaana uu igu yidhi hadii Jamaal musharax ka noqdey UDUB abti anigana waxaad ii doontaa Maxamed Biixi Yoonis waana kan uu maanta igu caayaayo ee uu leeyahay wuu raacsan yahay ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeey Muj.Cali Guray

Comments are closed