|

Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Ka Fal Celinayso Hadal Xaqiraad Ah Oo Ka Soo Yeedhay Dawladda Masar

Hargeysa, 12 April, 2016-(SDN/QJ): – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay qoraal Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar ka soo saartay booqadho wefti ka socday dhowaan ku yimaadeen caasimada Hargeysa, laguna deedefeeyey mowqifkii shacabka Somaliland ugu codeeyeen la soo noqoshada madaxbanaanida dalkooda.

 

cxcWarsaxaafadeed lagu baahiyey barta wasaarada Arrimaha Dibedda Masar, kuna saxeexnaa Mr. Maxamed Idris, madaxa wasaaradda arrimaha dibadda Masar u qaabilsan arrimaha Afrika oo weftiga uu hogaaminayey ayaa lagu sheegay inay la kulmeen masuuliyiin tiro badan socdaal ay ku tageen caasimada gobolka Somaliland ee Hargeysa.

 

Wargeyska Dawan oo xidhiidh kala sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, siduu u arko qoraalka dalka Masar ku xaqiray madaxbanaanida Somaliland iyo saamaynta uu ku yeelan doono xidhiidh mustaqbalka dhex mara Somaliland iyo Masar ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland jawaabta ku habboon ka bixin doonto qoraalka ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibedda, laakiin u marin doonto dariiqa dublamaasiyadda.

 

“Waanu aragnay nuxurka qoraalka wasaarada Arrimaha Dibedu Masar ka soo saartay booqashii wefti ka socdaal ku yimi Somaliland, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland jawaabta ku habboon ayey ka bixin doontaa, waxaanan u marin doonaa dariiqa dublamaasiyadeed,” Ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

 

Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan: “Weftigu wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Somaliland iyo tiro ka tirsan wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo qaabilsan dhinacyo kala duwan, iyo sidoo kale socdaalo aanu ku tagnay dhawr goobood,”  ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.“Waxaa in la ogaado mudan in dalka Masar uu raadinayo, in uu gacan caawimo ku yeesho, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga iyo isku duubnida uu la leeyahay dadka Soomaaliyeed ee gobollada oo dhan, isaga oo ku guda jira xayndaabka mawqifka rasmiga ah ee dalka Masar, oo ay ka mid tahay in uu taageero diblomaasiyadeed siiyo midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Soomaaliya.” sidaas ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka uu soo saaray weftigii Masar ee dhawaan socdaalka ku yimdi Hargeysa.

Comments are closed