SAMATAR: ‘’Dadka Reer Somalilandna Markaad La Sheekaysato Qaar badan baa Ku Odhanaya 18-ka MAY reer baa iska leh’’
Hargeysa, 11,4,2016 (QJ/SDN) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay in qaab kale loo dhigo xusaska iyo dabaal degyada maalmaha qaran ee ay shacbiweynaha Somaliland sanad kasta ku muuneeyaan qarannimadooda sida xuska maalinta la soo noqoshada madax banaannidii luntay lixdankii ee 18-ka May.
Axmed Ismaaciil Samatar waxaa sidoo kale uu dhaliillay sawirka iyo hummaaga ay bixinayso maalintan gooni isku taagga loo asteeyey isaga oo ku sababeeyey in ay cid gaar ah farxad gelinayso balse aanay shacbiga somaliland raalli ka wada ahayn dabaal daggeeda, waxaanu sheegay in haddii aan wax laga bedelin ay la mid noqon doonto sida xuska dhalashadii kacaankii Somaliya ka dhashay dabayaaqadii lixdankii ee 21-kii October, taasoo iyaduna meesha ka saartay muhiimmadii ay lahayd maalinta 26-ka June.
“Dad Ajanabi ah ayaynu doonaynaa Somaliland Inaynu ka iibino, markaa waxa ay u baahantahay arrintaasi hadal gooni ah iyo farsamo gooni ah” sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad uu ka jeediyey shir ay ku kulmeen dallad ay ku bahoobeen jaalliyaddaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadamada qaaradda Yurub, kaasi oo ka qabsoomay wadanka Iswiidhan. W
axaana uu intaa ku daray Axmed Samatar “Anigu waxaan doonayaa inaynu isu sheegno waxoogaa run edeb leh, oo ixtiraam ku jiro, oo jacayl ku jiro oo wanaag ku jiro, markaa aniga oo soo gaabinaya inta runtayda ah inaan idiin dhiibo ayaan doonayaa; anigu Somaliland waxa ay qabatay waan qoray intii taagtayda ahayd, af ahaanna [orally] waxaan ku sheegay liis dheer oo waxqabad ka qabsoomay Somaliland kaasi oo aan jiritaankiisa cidina ku murmi Karin, waxbarashada ha noqoto, caafimaadka, waddo dhis, dimuqraadiyadda ha noqoto, dastuurka ha noqoto, dawlad [State] shaqeeya ha noqoto, liis dheer oo haddii la qoro aad u dheer ayaa jira, mana ah mid dawladdan oo qudhi ay hirgelisay ee waa kuwo ay dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland midba intiisa ku lahaa, kolkaa waxa muhiim ah in caalamka iyo dawladaha kalena la gaadhsiiyo. Somaliland inay 25-ka Sanadood wax qabsatay oo rasamaal u yaallo baanka waa wax aan la dafiri kariin oo la qirsan yahay”. Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.
Intaas Kadib Muxuu yidhi?
Aqoonyahanku wuu sii waday khudbadiisa, waxaana hordhacaas ka dib uu u gundo dagay biyo dhaca hadalkiisa, waxaana uu duray qaabka iyo qiirrada waddaniyadu huwan tahay ee shacbiweynaha Somaliland ay ku muuneeyaan xusaska qaddiyada qarannimadooda, “Waxaas oo dhami way jiraan, laakiin adduunyada wax aad qabsatay uun in aad u heesto qaddiyada laguma dhiso, adduunyada waxaa lagu dhisaa waxaad qabsatay inaad u heesto laakiin aad Is weydiiso Mustaqbalka dembe ee berri ka bilaabmaya maxaa inna hor yaalla ee u baahan inaad wax ka qabato oo haddii laga baxo [laga gudbo] sii naaxinaysa raasamaalkaagii hore, haddii laga gudbi waayana sii naaqusinaysa waxaagii oo uu daxalku kala daadinayo!!!!?. Su’aasha ugu weyni taas weeye, aniga markaas waxa ay ila tahay arrimaha caawa hor yaalla qaddiyada Somaliland ee mustaqbalka ama furaya ama waxas la soo qabsaday kala daadinayaa aniga dhinacayga afar qoddob baa u weyn, doorasho Somaliland haddaan ku jirana kaambaynka afartaas baan ku dabiqi lahaa, hadduu Faysal qaadanayo [taladiisa] isagay u taallaa. ‘Waxaa uu farta ku fiiqay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo madasha Fadhiyay’. Afarta qoddob ma kala dhacaan laakiin waxaan ugu soo horreysiinayaa waxaa weeye
-Wadajirka Somalialnd [Civic National Unity of Somaliland]:
qoddobkan anigoo Hargeysa jooga ayaan ka hadlay, anigoo Ceerigaabo, Burco , Boorama, Gabiley, Seylac iyo Berbera Joogana waan ka hadlay, Wadajir qaran markaanu jirin ama ay aad u dildilaacsan tahay, waxaad qabataa biyo col dhaanshay bay marka dembe noqonayaan, kolkaa Somaliland waxa u baahan tahay in la geliyo tamar iyo fikrad cusub si wada jirka ummadaas loo adkayn lahaa, laakiiin wadajirku maaha Bari iyo Galbeed [Beellaha darafyada] iyo ta dhexe [beesha dhexe] ee meel walba dildilaacaasi wuu yaalla, oo waa kii Faysal ka hadlayay ee laha aniga qoyskayga reer Sheekh Isaxaaq dil-dilaac baa dhex yaalla, aniga laftayda faamligeygu waa sidaas oo kale ee naga daaya odayga [sh. Isaxaaq] la tirsanayo ee aanay dadka kalena jirin, waana badawnimada ugu weyn odaygaas la tirsanayo. Anigu markaan dalka tegey waan arkay dildilaacaas horena waan u arkayay maxaa yeellay soddon sannadood baan cilmigaas baranayay. Waxaan arkay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba meel walba rinjigii 18-ka MAY baa marsan, calankiina wuu ku qoran yahay, waxaan ku idhi ‘Maalintaasi inay muqadas tahay oo ay maalin weyn oo muhiima ay tahay oo hawlo weyn iyo guullo weynna la soo hooyay shaki kuma jiro oo waa dhab, laakiin 18-ka MAY haddii laga dhigo aasaaska [Foundation] Somaliland, Ma Xejin karayso [qaddiyadu] miisaanka oo wey jabaysaa oo waxaa ay la mid noqon doontaa 21-ka October oo iyadu liqday [xuskii xornimada ee ] 26 June iyo 1-da July, cid maanta hadal haysaana ma jirto 21-ka October, kolkaas anigu waxaan leeyahay haddii wadajirkii Somaliland si dhab ah loo gelayo, saldhigeeda ugu weyni waxa uu noqonayaa 26-ka June xuskeeda, haddii aanay taasi jirinna maxaan u soo noqonnay, dadka reer Somalilandna markaad la sheekaysato qaar badan baa ku odhanay 18-ka MAY reer baa iska leh kolkaa iyagu dabaal-degga ha samaystaan, wadadaas haddaad martana wadajirkii wuu dhammaaday. Markaas anigu waxaan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee ummada la hadlayoow waa inaad halkaas [xuska 26 June] ka bilowdaan, waayo 26 June waa maalinta ugu mihiimsan ee keeni karta aqoonsi Somaliland hesho” ayuu yidhi Axmed ISmaaciil Samatar oo u muuqday nin niyad jabsan.