Xisbiga Kulmiye oo Markii Kowaad ka hadlay Ku Lug lahaanshaha Khilaafka Xisbiga Ucid ka dhex Aloosan iyo Buug Shaki ka dhex dhaliyey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye DAAWO
Hargaysa, 11 April, 2016-(SDN/QJ): – Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa iska difaacay eedamo xubno ka mid ah masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID ku xidhiidhiyeen khilaafka xisbigooda kala qaybiyey.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in aannu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu marnaba wax shaqo ah ku lahayn xisbiga UCID oo ah xisbi qaran oo qadarin iyo ixtiraam ka mudan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbigaasi inay xallistaan khilaafkooda oo aanay cid kale kula galgalan.